Dhageyso Gudiyada Doorashooyinka Ee Koonfur galbeed Oo Cadaalada Daro Lagu Eedeeyey

Waxa sii kordhaya cabshiiyinka kasoo yeeraysa Beelaha iyo Ergooyinka ka qeyb galaya doorashooyinka aqalka hoose ee ka socda magaalada Baydhaba ee xarunta Gobolka Baay.

Eedaha ugu badan ayaa waxa loo jeedinayaa Gudiyada doorshooyinka ee K/galbeed kuwaas oo lagu eedeeyey cadaalad daro iyo musuq maasuq ay kula kacayaan musharxiinta qaarkood ee u tartamaya tartanka xildhibaanada aqalka hoose.

Musharxiinta qaar ayaa ku andacoonaya in doorshada ka socota Baydhaba ay u soconin sidii loo baahnaa, waxaana ay daboolka ka qaadeen in ay jiraan wax is daba marin iyo xubno ay wataan Gudiga doorshooyinka iyo Shariif Xasan in lasoo saarayo.

Dhinaca kale dadkan ka cabanaya cadaalad darada ayaa baaq waxay u direen gudiga xalinta khilaafaadka oo ay ugu baaqeen in ay wax ka qabtaan tabashooyinkooda.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open