Diyaaradda Jabuuti Airline Oo Maanta Kasoo Degtay Garoonka Diyaaradaha Ee Aadan Cadde (Sawiro)

Diyaaradda caalimiga ah ee Jabuuti Airline oo laga leeyahay dalka Jabuubii ayaa 25 sano ka dib maanta waxay kasoo degtay Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Rakaab ay kasoo qaaday magaalada Jabuuti ayey diyaaradda kasoo dejisay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Caasimada Muqdisho, waxaana diyaaradan duulimaadkii maanta ay ku timid Muqdisho uu noqonayaa kii ugu hioreeyey tan iyo markii ay dhacday dowladii Maxamed Siyaad Barre.

jabuuti-640x425

Sida laga soo xigtay dowlada Jabuuti Diyaaradda Jabuuti Airline ayaa si toos ah u bilowday duulimaadkeeda magaalooyinka Jabuuti iyo Muqdisho oo caasimado u kala ah Soomaaliya iyo Jabuuti, iyadoo qaadi doonta rakaabka isaga kala gooshaya magaalooyinka aan soo sheegnay.

Inkastoo diyaaradan maanta ka shaqa bilowday Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho aysan noqon doonin diyaaradii ugu horeysay ee Caalami ah oo kusoo degta Muqdisho ayaa hadane waxay ka mid noqoneysaa diyaaradaha duulimaadka caaliga ah ka sameeya Soomaaliya.

 

jabuuti-640x425 air_jabuuti_2

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open