Faafaahin Duqeymo Culus Oo Maanta Ka Dhacay Duleedka Laanta Buuro Ee Gobolka Shabeelada Hoose

Wararka ka imanaaya Gobolka Shabeelada hoose ayaa kusoo waramaya in maanta diyaarado dagaal duqeymo ay la beegsadeen saldhigyo ay degenaayeen Maleeshiyaadka Alshabaab.

Duqeymaha oo dhacay Galabta ayaa la sheegayaa in ay ku dhaceen saldhigyo ku yaalla duleedka Xerada Laanta Buuro ee Gobolka Shabeelada hoose.

Goobta la duqeeyey oo lagu magacaabo God-kabash ayaa la aaminsanyahay in ay tahay saldhiga ugu weyn ee Maleeshiyada argagaxisada ee Shabaab ay ku leeyihiin deegaanada deexda ah, gaar ahaan dhinaca bari ee laamiga dheer.

Warar soo baxaya ayaa ku waramaya in gantaallo badan lagu Tuurey saldhiga, waxaana wararka ugu badan ay ku waramayaan ku dhawaad 18 Gantaal in lala beegsaday saldhiga. guuxa diyaaradaha ayaa inta aanay duqeyntu bilaabanin ka hor kusoo laalaabtay hareeraha saldhiga.

Dad ku sugan meel ku dhow saldhiga la duqeeyey ayaa Markacadey.com u sheegay in ay maqleen jug culus oo is xig xigtay taas oo ay sheegeen in ay ogaan Karin khasaaraha ay geysatay. mana la oga halka laga leeyahay diyaaradaha dagaal ee duqeeyey God-kabash.

Waa Duqentii labaad oo ka dhacda duleedka Laanta buuro, waxaana duqeyntii midii maanta ka horeysay oo dhacday muddo laba bilood ka hor lagu dilay maleeshiyaad fara badan iyo horjoogayaal, waxaana duqeymahaas ay sababeen khasaare lexaad leh.

Lama sheegi karo khasaaraha ka dhashay saldhigga ku yaalla halka lagu magacaabo God-kabash oo ah saldhig ay ku xooganyihiin Maleeshiyaadka Alshabaab.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open