Kooxda Shabaab Oo Tawabar Siinaya Dagaalyahaanadooda, Xilli Ay Ku Sugnaayeen Xero Ku Taalla Meel Howd Ah (Sawiro)

Wariyaha u shaqeeya Tv-ga Aljasiira ee dhawaan booqashada ku tagay deegaanada ay maamulaan dagaalyahaanda kooxda Shabaab ayaa soo bandhigay Sawiro laga soo qaaday Xero Ciidan oo lagu tawabarayey Maleeshiyaad u dagaalanta Kooxda.

Xamse Maxamed ayaa sawirada uusoo qaaday waxa kasoo dhex muuqday Afahayeenka kooxda Cali Dheere iyo horjoogayaal kale, iyadoo xerooyinkan la aaminsanyahay inay ku yaalaan Gobolada Hiiraan iyo Bakool.

Sawirada ayaa lagu soo bandhigay dagaalyahaanada Shabaab oo loo tawabarao dagaalada ay kaga soo horjeedaan Dowlada fedaraalka iyo Ciidamada Amisom, sidoo kale waxa xerada ka dhex muuqday dagaalyahaano watay hubka casriga ee laga furtay Ciidamada Amisom.

Waxa weli aan la dhayelsan karin awooda kooxda argagaxisada ah ee Shabaab ay ku leedahay Soomaaliya, waxaana jira Ciidamo awood leh oo ay ku heeystaan dhulka howdka ah ee ay ku dhuumaaleysanayaan.

1479191085bc5cd 1479191092de12e 1479191104bec49 1479191119c587f 1479191130f70cf 14791911006b2bb 14791911254aa4e 14791910892743a 14791911077439d 14791911268119f 147919106882976

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open