Kooxo Hubeysan Oo Dhac Iyo Dhaawac Ka Geystay Degmada Waaberi Ee Magaalada Muqdisho

Kooxo hubeysan ayaa magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Waaberi ayaa waxay ka geysteen dhac iyadoo ay dhaawaceen qaar ka mid ah dadkii ay dhaca u geysteen.

Kooxahan oo saarnaa Mooto Bajaab islamarkaana ku labisnaa dareeska Milateriga ayaa meel ku dhow Garaashka xaaji Baasto ku dhaawacay wiil dhalin yara ah iyo agabr kale, waxaana ay ka qaateen Mobelada gacanta lagu qaato.

Wiilka dhalinyarada ah iyo Gabadha ayaa ka dhega adeegay iany dhiibaan Mobelada, waxaana ay ku dhufteen xabado, waxaana ugu dambeyn dhibanayaasha ay isk ufurteen Mobeladii ay wateen.

Dhaawacyada oo la dhigay Isbitaalka Daaru’shifa ee magaalada Muqdisho ayaa qaba dhaawacyo kala duwan, waxaana dadka degmada Waaberi ay isla dhex marayaan dhacdada noocaan oo kale oo barqadii maanta ka dhacday degmadooda.

Mararka qaar degmooyinka Gobolka Banaadir waxa ka dhaca dilal iyo dhaawacyo ay wehliyaan dhac, waxaana falalkan ka dambeeya kooxo ku labisan tuutaha dowlada, mana jiraan hey’ado amni oo isku howlay inay wax ka qabtaan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open