Maxkamada Sare Dalka Masar Oo Laashay Xukunkii Dilka Ahaa Ee Lagu Xukumay Maxamed Mursi

Maxkamadda Sare ee dalka Masar ayaa maanta diiday xukunkii dilka ahaa ee sanadkii hore lagu xukumay madaxweynihii talada laga tuurey ee Maxame Mursi.

Xukunka dilka ee lagu ridey Mursi ayaa loo cuskuday dad laga baxay xabsiga sanadii 2011-dii oo dalkaas uu ka socday kacdoonkii loogu magac daray duufaantii Carabta oo xilkooda ay ku waayeen madaxweynayaal badan.

Maxkamadda sare ayaa amartay in dib loogu laabto xukunka oo dib loo eego dacwada, waxaana madaxweynihii hore loo haaystaa dacwadooyin kale, oo qaarkood xukunkooda laga dhigay xukuno waqti dheer qaadanaya.

Maxamed Mursi oo sanadii 2011-dii lagu soo doortay si dimuqraadiya ah ayaa laba sano ka dib waxa xilka ka tuurey Milateriga Masar, Mursi oo ka tirsanaa xisbiga Ikhwaanul Muslimiinka ayaa xilligaasi wixii ka dambeeyey lagu sii haayaa xabsiga

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open