Mudane Ka Tirsan Baarlamaanka Dalka Israa’il Oo Dhax Aadamay Kulan Uu Ka Qudbeenayey Raysalwasaare Netanyahu (Video)

Xildhibaan asalkiisu Carab yahay oo katirsan baarlamaanka Isra’il ayaa ka dhex aadaamay fadhi ay lahaayeen Baarlamaanka Israa’il, kadib markii uu ka carooday go’aamo kasoo baxay Xukuumada uu hogaamiyo Ra’isul Wasaare Benjamin Netanyahu.

Mudanahan oo lagu Magacaabo Axmed Dayib ayaa xili uu khudbad jeedinayay kagana hadlayay Sharci cusub oo Xukuumada Isra’il ku soo rogtay masaajida ayaa mar qura bilaabay in uu aadaamo isaga oo Mikarafoonka heesta.

Xildhibaanada Baarlamaanka fadhiyay qaarkood ayaana la yaabay Mudanahan geesinimada badan muujiyay una hiilinayay diinta Islaamka iyo dadka uu matalo kana soo horjeeday sharciyada cusub ee lagu soo rogayo gobaha cibaada gaar ahaan Masaajida.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open