Musharaxiin Badan Oo Laga Yaabo Inay Isaga Haraan Tartanka Doorshooyinka Ee Ka Dhici Doona Dalka Soomaaliya (Warbixin)

Iyadoo lagu wado in sanadkan gudahiisa Soomaaliya ay ka qabsoomaan doorashooyinka Madaxtinimo ee kursiga Madxweynaha ayaa warar soo baxay waxay ku waramayaan suurtagalnimada in ay tartanka ka haraan musharxiin badan.

Bilowgii ololaha Tartanka Soomaaliya ayaa waxa jirey kooxeysi badan iyo dadaalo ay sameenayeen Musharxiin xil doon ah oo raja buuran ka qabay inay kusoo bixi kareen tartanka loogu jiro cidda ku guuleysan lahed Madaxtimada Soomaaliya.

Waxa inta badan aamusay mushraxiin la aaminsanaa in door firfircoon ay ku yeelan karaan Siyaasadda Soomaaliya hase haate markii ay soo dhawaatay doorashada ayaa laga cabsi qabaa inay isaga haraan tartamayaal badan.

Sababo kala duwan ayaa lagu micneeyey in siyaasiyiinta qaarkood ay uga haraan doorashada dhici doonta, waxaana intooda badan loo aaneynayaa dhaqanka iyo cadaalad darida doorashooyinka aqalka hoose iyo midda aqalka sare.

Sidoo kale sababaha qaar ee la aaminsanyahay in tartanka ay uga haraan siyaasiyiinta ayaa waxa lagu sheegay faragelinta dowladaha shisheeyey ee dhaqaalaha faraha badan ku bixinaya in doorshada uu ku guuleysto shakhsi ay iyaga rabaan si ay u gaaraan danaha ay ka leeyihiin Soomaaliya.

Musharaxiin ay ka mid yihiin Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed C/hi Farmaajo ayaa warbixinada soo baxaya waxay ku waramayaan inay ahaayeen ragga ugu cad cad tartanka laakiin hada ka fakaraya sidey uga hari lahaayeen ama ay u joojin lahaayeen ololaha ay ku doonayeen inay ku gaaraan xilka ugu sareeya dalka.

Sheekh Shariif Shaeekh Axmed oo bilooyin ka hor soo gaaray Muqdisho ayaa dhawaan dib ugu laabtay halka markii hore uu ka yimid, waxaana dib u laabashiisa lagu micneeyey in uu ka niyad jabay qaabka ay wax u socdaan.

Madaxweynaha hada talada haaya ee xilkiisu dhamaaday ayaa inta badan la aaminsanyahay in culeyso uu ku haayo  Musharaxiinta dooneysa inay kula loolamaan tartanka, waxaana uu wadaa sida la sheegay dadaalo u suuragelin kara in mar kale uu kursiga kusoo laabto.

Doorashooyinka aqalka hoose ee Baarlamaanka Fedaraalka oo hada ka socota inta badan magaalooyinka caasimadaha u ah Maamulada dalka ka jira ayaa lasoo warinayaa in cadaalad daro iyo ku tagri fal awoodeed ay wadaan Gudiyada doorashooyinka oo juhdi badan gelinaya inay tartanka kusoo bixiyaan shakhsiyaad ay wataan Madaxda Maamul Goboleedyada.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open