Roobab Lagu Diirsaday Oo Maanta Ka Da’ay Qeybo Ka Mid Ah Koonfurta Soomaaliya (Sawiro)

Maanta qeybo ka mid ah Gobolada dalka Soomaaliya gaar haan Koonfurta waxa ka hoortay (ka da’dey) nimcada Alle.

Koonfurta Soomaaliya oo laga soo sheegayey abaaro iyo roob yari ayaa maanta Alla mahadiis waxa ka da’ay roobabka xilliuga dayrta, roobabka maanta da’ay oo kasoo dib dhacay xilligii loogu talagalay ayaa waxa ku diirsaday dadka iyo duunyada.

Meelaha ay ka da’een roobabka waxa ka mid ah Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka, waxaana wadooyinka qaarkood lagu arkayaa biyo fara badan oo isugu yimid meelaha godadka ah.

Gobolka Shabeelada hoose degmooyin ku yaalla ayaa sidoo kale waxa ka da’ay roobab saacadooyin kooban qaatay, iyadoo roobabka maanta da’ay ay kusoo aadayaan xilli xaalado abaareed laga soo sheegayey inta badan Gobolada dalka

img_20161115_151424 img_20161115_151427 img_20161115_151440 img_20161115_151451 img_20161115_151549 img_20161115_151553 img_20161115_151625 muqdisho_oo_roobabi_ka_da_een roob_mugdishu_2

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open