Wararkii Ugu Dambeeyey Seddax Qof Oo La Dilay Oo Maanta Laga Helay Duleedka Deegaanka Dhanaane Ee Gobolka Shabeelada Hoose (Akhri Magacyadooda)

Maleeshiyada argagaxisada ee Alshabaab ayaa maanta meel duleedka ka ah deegaanka Dhanaane soo dhigay ilaa seddax qof oo ay dileen.

Seddaxda qof ee la dilay ayaa ka mid ahaa afar qof oo Habeenkii Axadda ee so dhaafnay waxa laga afduubtay deegaanka Balafley oo hoos taga degmada Nambar 50 e GobolkaShabeelada hoose.

Maalintii shalay ayaa meel lagu magacaabo Daay-dagablow oo ku dhow deegaanka Buula Bishaar waxa lasoo dhigay hal Meyd oo ka mid ahaa afartii qof ee Shacabka oo ay afduubteen Shabaab, waxaana ninkan lagu magacaabi jirey Mocow Diirmow.

Maanta salaadii casir ka dib ayaa isla deegaankii shalay waxa lasoo dhigay seddaxdii kale ee gacata ugu jirey Maleeshiyada Alshabaab, waxaana lagu magacaabaa dadka manta Meydadkooda la helay, Meedey Siid Koofarow, Maxamed Sheekh Samow iyo Yuusuf Cali.

Afduubkan afartan qof ee lasoo dilay ayaa dhacay Habeenkii Axada ee ay soo galeysay Isniinta, xilligaas oo dagaal culus ka dhacay deegaanka Saliini kaas oo u dhaxeeyey Ciidamada deegaanka iyo Maleeshiyada Alshabaab, waxaana dagaalkaas Maleeshiyada Shabaab kasoo gaaray khasaare xoogan.

Sida caadada ah marka maleeshiyada Shabaab ee isbaheysiga la ah Mooryaanta Habargidir uusoo gaaro khasaare ayaa waxa looga bartay inay ku ciil baxaan dadka maatida ah ee aan hubeysneyn.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open