Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Xaaladda Degmada Tiyeeglow Iyo Cidda Gacanta Ku Haaysa

Wararka ka imaanaya Degmada Tiyeeglow ee Gobolka Bakool ayaa ku waramaya in xaalad cakirnaan ah halkaas ay ka jirto, iyo ay ka socdaan dagaalo culus.

Tiyeeglow oo maalinnimadii daraad ay kusoo dhawaan Ciidamada Maamulka Koonfur galbeed qeybtooda lexdanaad ayaa shalay dagaal culus la galay maleeshiyada Alshabaab oo markii hore ku sugnaa meel aan degmada ka fogeyn, waxaana ay soo qaadeen weeraro rogaal celis ah.

Saraakiisha qeybta lexdanaan ee dowlada fedaraalka ayaa guulo waxay ka sheegteen dagaalkii cuslaa ee shalay ay la galeen maleeshiyaadka argagaxisada ah ee Shabaab, iyadoo dagaaladaas Ciidamada dowlada iyo kuwa maamulka k/galbeed ku qasbay inay dib uga soo baxeen aagaggii lagu soo weeraray.

War ay baahiyeen warbaahinta maleeshiyada Alshabaab ayaa lagu sheegay in degmada Tiyeeglow ay gacanta ku hayaan dagaalyahaano ka tirsan kooxdan Shabaab, islamarkaana hada ay ka socdaan howlgallo.

Warar saacadihii lasoo dhaafay ay warbaahinta maxalliga ah ka heleysay degmada Tiyeeglow ee Gobolka Bakool ayaa ku waramaya in dagaalo xalay ka dhacay hareeraha Degmadaas loo adeegsaday isqarxin iyo hub culus kuwaas oo aan la sheegin karin khasaaraha ay dhaliyeen.

Labada dhinac ee isku haya gacan ku heynta Tiyeeglow ayaa midba midka kale sheegnaya inay gacanta ugu jirta degmada yan wadaan dadaalo ay nabad gelyada ku xaqiijiniyaan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open