Akhriso Liiska Hogaamiye Kooxeedyo Baarlamaanka Federalka Ka Soo Galay Maamulada Galmudug Iyo HirShabeelle

Dhismaha Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya ayaa maalmihii la soo dhaafay ka socotay xarumaha maamul goboleedyada gobolada dalka Soomaaliya.

Qaar ka mid ah maamul goboleedyada gaar ahaan Galmudug iyo HirShabeelle waxaa ka soo galay Baarlamaanka hogaamiye kooxeedyo caan ka ah Soomaaliya kuwaasoo shacabka Soomaaliyeed ay ka tirsanayaan dhibaatooyin fara badan.

Hogaamiye Kooxeedyada ku soo biiray Baarlamaanka Federalka ayaa waxay kala yihiin:

1- Cabdi Qaybdiid oo ka soo galay dhanka Galmudug

2- Muuse Suudi Yalaxow oo ka soo galay dhanka HirShabeelle

3- Bootaan Ciise Caalin ( Xaaraan-ku-naax) oo ka soo galay dhanka Galmudug

Wakiilada beesha caalamka ayaa horey uga digay in hogaamiye kooxeedyo lagu soo daro Baarlamaanka Federalka  Soomaaliya balse labada maamul Galmudug iyo  HirShabeelle ayaan dheg jalaq u siinin baaqyada beesha caalamka.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open