Caqabado Hor Leh Oo Weli Horyaallo Dhaqan Gelinta Heshiisyadii Nabadeynta Ee Magaalada Gaalkacyo

Iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay ka socdeen gobolka Mudug ee bartamaha  Soomaaliya waan-waan la doonayo in la dhex dhigo Puntland iyo Galmudug ayaa waxaa soo baxaayo caqabado horleh. Waan-waanta waxaa wado kooxo Soomaali iyo Ajnabi isugu jiro.

Waxaa soo baxaayo caqabado ay ka mid yihiin qaabkii lagu kala lahaa ciidamada is hor-fadhiya si xasilloonida loogu soo celiyo magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Sidoo kale, waxaa jirto cabsi laga qabo  inay burburto waan-waanta nabadeed ee  ay gaareen hoggaamiyeyaasha labada dhinac, waxaa uu xalay dagaal kooban ka dhacay bartamaha magaalada iyo saldhigga Miir ee koonfurta ku yaalla halkaaso ay maamusho Puntland.

Dhanka kale,Waxaa jira dalabyo labada maamul ka imaanaya, Galmudug ayaa soo jeedisay in la joojiyo dhismaha maxjarka ay Puntland ka hirgalinayso duleedka magaalada Gaalkacyo.

Maamullka Puntland ayaa dhankooda sheegay in  ciidamadooda ay ku sugan-yihiin saldhigyadooda isla markaasina aysan ku xadgudbeynin dhulka ay maamullan Galmudug.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid ayaa weli ku sugan magaalada Galkacyo, waxaana uu kulamo la qaadanayaa odayaasha iyo mas’uuliyiinta labada dhinac,si xal waara looga gaaro colaada wali ka taagan xarunta gobolka Mudug.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open