Dowladda Kenya Oo Wax Ka Bedeshay Waqtigii Ay U Qabatay Xirtitaanka Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab

Dowladda Kenya ayaa lix bilood oo muddo kordhin ah u samaysay qoxootiga ku nool xeryaha aduunka ugu weyn ee Dhadhaab, kuwaasi oo bishan gudaheeda la xiri lahaa.

Xeryaha qoxootiga Dhadhaab ayaa waxaa ku nool dad gaaraya ilaa 280,000, kuwaasi oo badankooda

muddo  25 sano ee dalka Soomaaliya burburka ku jiray ku sugnaa xeryaha qoxootiga ee Dhadhaab Kenya.

Dowladda Kenya ayaa muddo kordhintan samaysay kadib markii bulshada caalamku baaq u soo jeediyeen kaasi oo ku aadan mustaqbalka dadka ku nool xeryaha iyo in dib u celintooda aan la qasbin.

Wasiirka arimahaa gudaha Kenya Joseph Nkaissery ayaa sheegay in codsi uga yimid UNHCR dartii ay ku aqbaleen muddo kordhinta.

“Waxaan ku dhawaaqayaa in dowladdu aqbashay codsigii ahaa in qoxootiga waqti looga darro, waxaana lagu daray muddo lix bilood ah,” ayuu yiri Joseph.

Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday inay xireyso xeryaha qaxootiga Dhadhaab kadib markii maleeshiyada Alshabaab oo ku soo dhex dhuuntay qaxootiga ay weeraro ba’an ka geysteen gudaha dalka Kenya.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open