Wasaaradda Kaluumeysiga Jubbaland Oo Qalab Kaluumeysi Ku Wareejisey Kaluumeysato Reer Jubbaland Ah (Video + Sawiro)

Waxaa magaalada Kismaayo lagu qabtay Xaflad balaaran oo ay soo qabanqaabisay wasaaradda kaluumeysiga Jubbaland taasoo qalab Kaluumeysi lagu gudoonsiinayey shirkada kaluumeysiga KAAH.

Qalabka kaluumeysi ee shirkadda KAAH lagu wareejiyey ayaa ka kooban Qaboojiyeyaal lagu kaydiyo Kaluunka isla markaasina loo adeegsado in Kaluunka looga ilaaliyo inuu is bedel ku dhaco.

Waxaa goobta ka hadlay mas’uuliyiin uu ka mid yahay Wasiirka Gaadiidka iyo Kaluumeysiga Jubbaland Ibrahim Xasan Baajuuni oo sheegay in dowladda Jubbaland ay dhiiri gelineyso shirkadaha maalgeshiga ku sameynaayo kheyraadka Badda Soomaaliya.

Xigasho: Dhanaan Media

baajuuni baajuuni1 baajuuni2 baajuuni3 baajuuni4 baajuuni5

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open