Diyaaradda Air Jabuuti Oo Duulimaadyo Cusub Ka Bilowday Magaalada Boosaaso Ee Puntland (Sawiro)

Diyaaradda Air Djibouti ayaa markii ugu horeesay duulimaadyo ka bilowday garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ee Puntland.

Jadwalka duulimaadyada Air Jabuuti ee magaalada Boosaaso ayaa noqonaayo duulimaadyo toos ah ( Jabtuuti to Bosaso, Bosaso to Djibouti ).

Masuuliyiin katirsan Maamul goboleedka Puntland ayaa munaasabadda daahfuray isla markaasina diyaaraddan kusoo dhaweeyay garoonka Diyaaradaha magaalada Boosaaso oo dhowaan dayactir casri ah lagu sameeyey.

Diyaaradda Air Jabuuti oo ah Calansidaha dalka Jabuuti (Djibouti National Flag Carrier) ayaa dhowaan soo iibsatay dhowr diyaaradood oo ah nooca Boeng 777 taasoo bedeli doonto diyaaradihii horey ay u isticmaali jirtay shirkadda Air Djibouti ka hor inta aysan joojinin shaqada muddo laga joogo 20 sano.

air-jabuti air-jabuti1 air-jabuti2 air-jabuti3

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open