Dad Badan Oo Ku Geeriyooday Tareen Wadada Ka Baxay Dalka Hindiya

Ugu yaraan 95 qof ayaa ku geeriyootey, 100 kalena way ku dhaawacmeen kadib marki tareen khadka ka baxay kadibna ku rogmaday waqooyiga gobolka ugu weyn ee Uttar Pradesh ee dalka Hindiya.

Gaadiidkan ayaa ku safrayey inta u dhaxaysa labada magaalo ee Patna iyo Indore xiliga uu khadka ka baxayey.

Dhammaan isbitaalada deegaankaas ka dhow ayaa arinta lagu wargaliyey waxaana markiiba la keenay ilaa 30 ambulance oo daabuli doona meydadka iyo dadka dhaawacyada ka soo gaareen shilka.

Kooxda masiibooyinka la tacaala ayaa soo gaaray goobta waxay isku dayayaan inay badbaadiyaan dadka dhaawacyada qabo.

Isla goobtan waxaa sanadkii hore bishii maarso ka dhacay shil tareen oo sababay dhimasho dad oo gaaraysa ilaa 40 iyo dhaawac dhan 150 ruux.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open