Dhageyso Kooxda Alshabaab Oo Odeyaal Afduub Ahaan Ay U Haysteen Ka Saxiixday Heshiis Ay Ku Sheegeen Inay La Galeen Beesha Biimaal

Kooxda Alshabaab ayaa odeyaal maalmihii la soo dhaafay afduub ahaan ay ugu haysteen tuulada Kuunyo Barrow ee gobolka Sh/hoose ka saxiixday heshiis la sheegay inay Shabaabka la galeen beesha Biimaal.

Heshiiskan been-abuurka ah ee horjoogaha maleeshiyada Alshabaab ee gobolka Sh/hoose Abuu Usama ka saxiixday odeyaal Biimaal ah oo afduub ay u haysteen Shabaabka ayaa yimid kadib markii maleeshiyada Alshabaab barakicin iyo dhac baahsan ay u geysteen shacab xoolaley ah oo ku dhaqan duleedka degmada Marka.

Ficilo wuxuushnino  ah oo isugu jiray dilal iyo dhac ay Shabaabka u geysteen shacabka beesha Biimaal ayaa sababtay in ciidamo ka tirsan beesha Biimaal  ay si adag uga jawaabeen ficilada  Shabaabka iyagoo goobo badan ku bartilmaameedsaday shabaabka iyo mooryaan la socotay.

Odeyaasha heshiiska laga saxiixday waxaa ku jiray nabadoon C/qaadir Xeydar oo Shabaabka ay ka soo kaxeeyeen degmooyin ka tirsan Jubbooyinka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open