Wararkii Ugu Dambeeyey Dagaal Culus Oo Maanta Lagu Qaaday Deegaanka Bariire Ee Gobolka Shabeelada Hoose

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelada hoose ayaa kusoo waramaya in maanta weerar culus lagu qaaday fariisin Gobolka ay ku leeyihiin isbaheyysiga ka koobaan Mooryaanta Habar gidir iyo Maleeshiyada duur ku jirta ee Shabaab.

Dagaalka oo dhacay aroornimadii saake ayaa waxa qaaday Ciidamo ka tirsan kuwa deegaanka, waxaana weerarka ay ku ekeeyeen saldhigyo Isbaheysigan ay ku leeyihiin deegaanka Bariire oo halkaas ay kasoo qaadaan weerarada iyo dagaalada ay ka geystaan Goobaha ay maamulaan Ciidamada deegaanka.

Saraakiisha Ciidamada deegaanka ayaa dagaal muddo qaatay ka dib waxay la wareegeen ilaa seddax saldhig iyo xarumaha maamulka Bariire, waxaana ay kala eryeen Mooryaantii saldhigyadaasi ku sugnaa.

Warar hor dhac ah oo kasoo baxay saraakiisha Ciidamada deegaanka ayaa ku waranmaya in guulo muhiim ah laga gaaray weerarka lagu qaaday xarumaha sharwadayaasha ay ku leeyihiin Bariire.

Dhainaca kale saraakiisha ayaa Markacadey.com waxay u xaqiijiyeen in mid ka mid ah saldhigyada la weeraray laga soo helay saanad iyo agab ciidan oo ay keydsadeen sharwadayaasha, walow aanay Ciidamada la kulmin wax meydad ah oo ay ka carareen.

Saraakiisha ayaa sidoo kale Markacadey.com u sheegay in ay soo bandhigi doonaan saanada iyo agabka kale ee soo furteen.

Ciidamada deegaanka ayaa markii ay howlgalka dhameysteen ka dib waxay ku laabteen saldhigga markii hore ay ka duuleen, waxaana jirin khasaare Ciidamada soo gaaray, hase yeeshee lama xaqiijin karo khasaaraha argagaxiisada aso gaaray.

Deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelada hoose oo ay xoog ku joogaan Maleeshiyada Alshabaab ayaa waxa ku yaala saldhigyo iyo xarumo ay kasoo duulaan Mooryaanta Habara gidir iyo Maleeshiyada Shabaab oo heshiis ku ah in la baabi’iyo deegaanada Beesha Biimaal.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open