Wasiir Ku Xigeenka Gaashaandhigga Iyo Ergadii Dooran Laheyd Oo Maanta Muqdisho Ka Duulay

Wasiir ku xigeenka wasaarada Gaashaandhigga xukuumada waqtigeedu dhamaaday Cabdalle Xuseen Cali oo horey uga mid ahaa xildhibaanadii soo shaqeeyey afartii sano ee lasoo dhaafay ayaa markale u taagan inuu ka mid noqdo xildhibaanada cusub.

Cabdalle Xuseen iyo Xildhibaanada kale ee Beeshaa Biimaal oo mar horey qortay Ergada dib usoo dooran laheyd ayaa waxa maanta Muqdisho laga duuliyey Ergada Wasiir ku xigeenka.

Ergada oo ka kooban 51-xubnood ayaa dhamaan waxa soo xushay Wasiir Cabdalle, waxaana maalinti Axadda ee lasoo dhaafay kulan qada ah uu ugu sameeyey hoygasiisa isagoo sida la sheegay ka dhaadhiciyey inay codadka ugu shubaan maadaama uu fursad u siiyey inay tagaan magaalada Baydhaba.

Sida ku cad musharaxiinta ma jiro weli wax musharax oo u taagan inuu la tartamo Wasiir Cabdalle Xuseen Cali, hase ahaateen waxa la saadaalinayaa in daqiiqadaha ugu dambeeya ee ay dhici doonto doorashada uu soo baxo shakhsi maqaar saar ah oo codeynta doorashada aan wax cod ah ku lahaan doonin.

Doorashada kusriga Cabdalle ayaa sida ay ugu badantahay waxa la qaban doonaa maanta gelinka dambe, iyadoo la filayo in sidii uu kusoo baxay C/raxmaan Ibbi ee shalay ay noqon doontodoorashada maanta.

Guud ahaan xildhibaanada Beesha Biimaal ee horey ugu fadhiyey kuraasta iyo qab qablayaasha Odeyaasha isku magacaabay ayaa qorsheeyey in Ergada soo dooran doonta ay xildhibaanadu diyaarsadaan.

Shan kursi oo Beesha Biimaal ay ku leedahay Deegaanada K/galbeed ayaa afar ka mid ah waxa usoo bixi doona shakhsiyaadkii horey ugu fadhiyey halka kursiga shanaad ee uu ku fadhiyey Xildhibaan Abyan ay kusoo bixi doonto Gabar dadka oo dhan laga wada qariyey laakiin muuqeeda iyo awoodeeda la arki doono maalmaha khamiista iyo Jimcaha ee soo aadan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran