Dhageyso Musharxa Jabriil “Doorashada Soomaaliya Ee Hada Socota Waxay Noqotay Tii Ugu Xumeyd Ee Nasoo Marta”

Jabriil Ibraahim Cabdulle Musharaxa Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka deyriyay doorashada Soomaaliya iyo qaabka wax lo wado.

Musharax Jabriil ayaa sheegay inuu jiro dib u dhac kale oo ku yimid doorashada Sanadkaan 2016 oo marar badan oo hore dib u u dhacday, isagoo sheegay inaysan muuqaan rajo ah in doorashadu waqtigeeda ku dhacdo.

Wuxuu ku eedeeyay madaxda dowladda waqtigeedu dhammaaday in ka dambeeyaan Musuqmaasuqa baahsan ee doorashada hareeyay, loona adeegsaday awoodda dowladda iyo hantida umadda.

Wuxuu caddeyn ahaan u soo qaatay inaan muddo bil ah wax lacag lagu shubin Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, isla markaana Canshuurta Dadweynaha laga soo aruuriyay madaxda ku takri falayaan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open