Madaxweynaha Jubbaland Oo Kulamo La Qaatay Gudiga Amniga Qaran (Sawiro)

Iyadoo ay Shalay Magaalada Kismaayo soo gareen Guddiga Amniga Qaran ee Doorashooyinka dalka, ayaa waxa ay kulan la qateen Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, kadib booqasho ay ku tageen Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland iyo Guddiga oo yeeshay kulan gaar ah ayaa waxa ay uga wada hadleen xaaladaha nabadgelyada goobaha Doorashooyinka ee deeganada Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa Guddiga amniga Doorashooyinka qaran wuxuu siiyay warbixin la xiriirta sida wanaagsan ee ay ku socdaan Doorashooyinka Deeganada Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa sheegay iyadoo aysan jirin carqalad dhinaca amniga ah, si habsami leh inay ku socdaan howlaha la xiriira Doorashooyinka.

Guddiga Amniga Qaranka oo uu hogaaminaayo Maxamed Sheekh Xasan Xaamud Taliyaha ciidamada Booliska, ayaa si weyn u bogaadiyay hanaanka nabadgelyada ee Doorashada Jubbaland.

jubaland-1 jubaland-2 jubaland-2-1

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open