Maleeshiyada Shabaab Oo Gudaha U Galay Deegaan Ka Tirsan Magaalada Gaarisa, Dibna Isaga….

Wararka ka imanaya tuulada Haluqa oo ka tirsan Magaalada Gaarisa ee Kenya ayaa sheegaya in maleeshIyada Al-ShabAab ay Galeen muddo kooban.

Warar lagu kalsoon yahay oo aanu ka helnay dadka deegaanka ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay bam ku tuureen birta telefoonnada ee shirkadda Safaricom taasi oo jartay isgaarsiintii deegaanka.

Al-Shabaab ayaa iyagu sheegtay dhinacooda inay maleeshiyadoodu qabsadeen tuulada kadib markii ay dhowr jiho kasoo weerareen. Al-Shabaab ayaa weerarro is-daba joog ah ka gaysata gudaha dalka Kenya, waxayna weerarradaasi wadeen tan iyo intii dawladda Kenya ay ciidamada usoo dirtay Soomaaliya.

Ciidamada Kenya ayaa la sheegayaa inay ku dhowyihiin deegaanka ay xalay galeen shabaab, waxaana ay hubinayaan xaalada maadaama Maleeshiyada Shabaab ay ku suganyihiin deegaano duur ah oo ku dhow Haluqa.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open