Musharraxii Soo Shaqa Tagay Iyo Waayihiisii Nololeed W/Q:- Cabdullaahi Cabdi Muuse (YamYam)

capture  Sugulle waxa uu dhasahay nuskii danbe ee qarnigii 20aad. Waxa uuna ku dhashay Rays-dheer. Rays-dheer waa tuulo aad u yar oo reerahoodu degijireen, walow ay aad u yarayd haddana waxa ay ahayd mid aad u camiran markii la barbardhigo tuulooyinkii iyada ku hareeraysnaa. Waxa ay lahayd dugsi qur’aan. Iskuuul lagama aqoon. Caruuruhu quraan kaliya bay baran jireen, goortii ay dhameeyaan baa loo dhigi jiray magaaloyinka u dhow si ay iskuul u galaan . Dhaq dhaqaaqa dhaqaale ee tuulada ka jira mid saa ubuuran maahayn. Tuulada taladeedu waxa ay ka go’daa dhowr  oday iyo Macallin Cali. Cali waa macalinka tuulada sidoo kale waa uu kitaabo ka mariyaa mawlac ku yaal tuulada. Waa bunni diinta Islaamka aqoon dheer u leh. Reer Rays-dheer iyo tuulo u dhow reero degi jiray baa intaa islayn jiray, maaro loo kala waa. Dhul daaqsimeed bay fidnadu ka kacday, haddase farihii waa ay ka baxday. Labaataneeyo sano bay dirirtu socotaa. Wixii waan-waan nabadeed  iyo mag kala qaadasho ah ama hurin colaadeed iyo ciidan abaabulid ah odayashaa horbooda. Alla-bariyada iyo roobdoonta na macallin Cali baa hormuud ka ahaa.

  Masjidkii bakhaarka noqday:

Sugulle waxa uu waynyahay caruur shan ka kooban, saddex wiil iyo gabar.  Aabihiis waxaa la yiraahdaa Salaad Samatar. Salaad waa oday maalqabeen ah, waxa uuna ku jiraa saddexda nin ee tuulada maciishadda keena. Bartahamaha magaalada waxaa uu ku leeyahay Salaad bakhaar aad u wayn . Dhisamaha uu bakhaarku yahay iminka  markii hore loogu ma talo galin inuu bakhaar noqdo. Oo  Maxaa loogu talo galay dee? Waxaa loogu talagalay inuu noqdo masjidkii ugu horeeyay ee tuuladu yeelato. Oo waa ayo cidda baas oo baydkii ilaahay bakhaarka ka dhigtay caro ha ku dhacdee?

Waxa ay ahayd xilli barqo ah Salaadna uu joogay gurigiisa markii uu u soo galay wiil yara oo uu dhalay oo markaas meheradaha tuulada  kasoo noqday, wiilkii yaraa waxa uu aabihii u sheegay inuu meheraddii “ Ina qoobdheere”  ku soo arkay adeer Baaruud. Baaruud waa Salaad ina adeerkii rumaad. Baaruud waxaa uu degganyahay isagu miyi, halkaas oo ay u deggan yihiin saddex reerood. Baaruud waxa uu dhalay 26 caruur ah, waa sideed iyo toban wiil iyo sideed gabdhood. Baaruud waa oday aad iyo aad u geel badan, kadimo geela ayuu leeyahay. Baruud mar waa oday  nabad-doon ah marna waa colaad-doon,waa dagaalyahan aan boqol nin biyo u kabban, waa nin magaciisu gaaray meel uu qudhiisu tagin. Waxa ay ahayd dhowr gu’ ka hor markii uu guluf  ku ekeeyay geelleey degaankoodii ka soo hayaamay. Baaruud waxa ka feer dagaalamayay markaas toban wiil oo uu dhalay. gulufkaas waxa ay kusoo dhaceen geel aad u farabadan, taasoo ka dhigaysa geela Baaruud kala bar wax ka badan inuu yahay xaaraan iyo wax dhac iyo boob lagu keenay. Baaruud iyo inta la ayniga ah waxa ay  aaminsanyihiin kuna  dhaqmaan qaaciido ab ka soo gaar ah “ Xalaal iyo xoog hadduu xero galo midna kuuma xuma”

Baaruud  hadda da’diisu waa 80 jir, waa uu tabaryareeyay araggiina marba marka kasii danbaysa waa uu soo daciifayay, waxa uu hubsaday inuu yahay gabbal sii dhacaya. Baaruud waxa uu go’aan saday inta cimrigiisa ka dhiman inuu cibaadada daa’imo, wehelna uu ka dhigto tusbaxa iyo ubbadiisa weesada ah. Sidoo kale waxa uu go’aan ku gaaray inuu geeliisa sakada ka bixiyo sannadkaan iyo sannadaha soo socdaba, waxa kale oo uu goostay inuu masaajidkii ugu horreeyay ka dhiso Rays-dheer. Masjid dhisidda aad bay usoo dhaweeyeen dadkii tuulada degganaa. Intaas waxii ka danbeeyay  Baaruud waxa uu ku noqday  xaafadihii miyi, go’aankii uu qaatayna waxa uu u sheegay wiilashiisii, walow ay soo dhaweeyeen dhamaan go’aankii aabahooda haddana qaar baa ku gacan saraysay masjid dhisadda. Isjiijiid badan kadib odaygii waxa uu geelii kasoo soocay boqol neef  si loo bilaabo dhisadda masjidkii u balanqaaday.

Baaruud iyo saddex wiil oo uu dhalay waxa ay geelii keeneen tuuladii nasiib wanaag tuulada waxaa joogay baryahaas qolooyin xoolaha gadata dabadeedna lacag qaaliya kusii gata. Labo maalmood kadib oday Baaruud waxaa laga gatay sagaashan ka mid ah geeliisii, sidoo kale dhismihii masjidka waxaa la bilaabay asbuuc ka dib. Markii hore waxaa la taagay daarwayn, dabadeed waxaa loo yeelay mixraamkii, toban daaqadood iyo afar albaab. Goobta laga dhisay masjidka waa bartamaha magaalada waa goob dadkoo dhan u siman, waa meel meherado badani ku yaalaan waana goobtii ku haboonayd in laga dhiso masjid. Hawshii masjidka oo si habsami li’iya u socota, kaliyana ay dhimantahay in dad/saanqaaf  la saaro lana cagdhigo, ayaa tuulada waxaa yimid shiikhul baladkii oo baryahaas ka maqnaa tuulada, wadaadkii waxaa loo sheegay in masjidkaan uu dhisayo ninkii Baaruud ahaa. Ma Baaruud baa dhisaya?! Wadaadkii waxa uu u tagay Baaruud si uu uga waraysto masjidka iyo hawlihiisa. Is waraysi kadib wadaadkii waxa uu waydiiyay Baaruud halka uu ka keenay xoolaha uu masjidka ku dhisayo ?  Baaruud waxaa uu sheegay shiikhul baladkii in geeliisii qaar uu gaday, wadaadkii oo la kaftamaya Baaruud waxa uu yiri “ War geelu soo kii aad xabadda kusoo xero galisay maaha?  Haa. Intaas kadib wadaadkii waxa uu u sheegay Baaruud in xoolahaas aan laga dhisi karin masjid iyo inuu halkaa ku joojiyo dhisadda masjidka. Baaruud waxa uu joojiyay masjidkii, aqalka intii dhisnaydna waxa uu ku wareejiyay ina adeerkii Salaad, isagiina waxa uu isaga noqday baadiyihiisii. Salaad dhismihii waxa uu ka dhigtay bakhaar aad u wayn  oo uu u labaxay “Baahi bi’iye”. dadku oo aad  uga xumaaday joojinta masjidka, waxa ay carada kula dhici jireen Salaad Samatar. Waxa ay ku oran jireen “ Masjid baad bakhaar ka dhigtay, balaayo iyo baas baa kugu dhici doonta.”  Waayadii danbana waxaa salad naanays u noqotay “ Masjid bi’iye”, magacaas oo uu aad uga xanaaqi jiray markuu maqlo,waxa uuna wacad ku mari jiray qofkii ugu yeera magacaas  inuusan waa danbe wax ka gadayn. Si kasta oo uu u diido naanaystaa waa ay u hir gashay, dadkuna magaciisii runta ahaa waaba ay illaaween, haddaad maantoo dhan ku haysid war Salaad samatar yaa arkay. Cidina juuq kuu dhihi mayso, dadka waawayni waa laga yaabaa inay ku dhahaan war “Masjid bi’iye” halkaas buu bakhaar ku haystaa.

 

Rays-dheer oo cidla noqotay

Muddo ka dib tuuladii Rays-dheer waxa  ka dhacay abaaro ba’an iyo colaado is daba joog ah, dadkii tuuladuna marba marka ka sii danbaysa waa ay sii yaraanayeen, waxa ay u guurayeen magaalooyinkii u dhawaa, tobaneeyo sano oo dadku ku sii qulqulayay magaalooyinka, colaaduna soo laalaabanaysay tuuladii waxaa kusoo haray dhowr qoys oo ay ku jiraan reer “Masjid bi’iye”. Waa xilli barqo ah, Salaad Samatar waxa uu dhex fadhiyaa bakhaarkiisii, waxa uu labadiisa gacmood ku hayaa dhafoorada. Waxa uu la yaaban yahay tuuladii dad iyo duunyaba camirnaan jirtay sida looga yaacay, waxa uu u qaadan la’yahay sida bakhaarkiisii la is dab tubnaan jiray ee saddexda qof gadi jirtay masiibadu ugu habsatay. Waa maalinkii labaad oo aan tummun sonkor ah xitaa laga gadan. Waxaa xasuustiisa kusoo laa laabanaya maalin uu laba nin oo midi doonayay kiish gelleey ah midka kalana uu doonayay haaf sonkor ah uu eryay, kadib markii ay ugu yeereen naanaystii uu ka xanaaqi jiray ee “Masjid bi’iye”.

Waxa uu fiirinayaa dhowr kiish oo bariis ah oo  in muddo ah meel ku tiirsanaa, waxaa uu ku cel-celinayaa “Magacaa rabtaan iigu yeeroo, kaalaya mar un wax iga gata.”   “Magacaa rabtaan iigu yeeroo kaalaya mar un wax iga gata.” Intaas isagoo ku cel-celinaya waxaa u soo gashay xaaskiisii Dhudi, waxay ku tiri “ Xaaji maanta waa adigaan isla hadlayee maxaa ku helay”  intuu sidii waxa hurdo kasoo salalay madaxa kor usoo qaaday yiri “Mayee is la hadli mayee xoogaa un baa yara fakarayay”  gabbalkii maalintaas waa uu dhacay isagoo waxba laga gadan, waa uuna  iska carraabay, intii uu wadada sii socday marna madaxiisa kor u muusan qaadin hoos un buu fiirinayaa, waa uu fakaryaa oo madaxuu ruxayaa mar mar, waxa uu soo xasuusanayaa maalmo wacnaa oo ganacsigiisa soo maray; maalmo gaari raashin iyo badeecooyin kale ku raranyihiin  galab gaabkii magaalada intuu soo galo la oran jiray “Gaarigaas waxa uu u yimid Masjid bi’iye oo biri baa rarka laga dajinayaa. Habeenka ka horeeya subaxa rarka la dajinayo xaafadda Masjid bi’iye waxa ay ahaan jirtay sida meel Alla bari ka jiro dadku waa dhoobnaan jireen. Dadku waa mid le “ Aniga laba kiishoo bariis ah meel ii sii dhig” “Anigana lacagtaan qadimayaaye loor bur ah meel ii gu tiri yaan la iga dhamaysanee.”  Waa xaal aduune  caawase xaafada waxa uu u yimid isagoo maanta hal shay xitaa laga gor-gorin. Fiidkii markii ay ahayd buu u yeeray curadkiisii Sugulle iyo xaaskiisii Dhudi waxa uu uga waramay xaalka tuulada iyo suuq xumada ka jirta, iyo in dhowr qoys maahee tuulada laga wada guuray. Waxa kale oo uu u sheegay in ay isbuuc kadib ay raaci doonaan gaari caano kasoo qaadi jiray tuulo yaroo ka shishaysay oo ay ku gaari doonaan magaalada u soo xigta magaalooyinka dabadeedna ay u sii gudbidoonaan magaalada Xamar halkaas oo ay degi doonaan. Sidii balantu ahayd isbuuc ka dib bay ka dhaqaajiyeen tuuladoodii ay sanadaha badan ku noolaayeen waxay ayna tageen meel magaalo ah oo ay ka bixi jireen gawaarida Xamar aadda.

Sugulle iyo waayihiisii Muqdisho

Waa rubucii danbe ee qaenigii 20aad, Goobta ay yimaadeen waa magaalo, haa waa magaalo oo tuuladoodii waxyaabo aysan ku arki jirin bay halkaan ugu yimaadeen. Haddii markii ay tuuladooda joogeen bishii hal mar ay gaari arki jireen halkaan gaarigu wado walbuu yaacayaa; haddii habeenkii ay faynuus shidan jireen markii naaftada la waayo ama liifadu dhamaatana gurigu mugdi ahaan jiray, xaafaddaan ay joogaan habeen walba waxbaa ka ifa meel laamiyeeriga wax yar un ka sokaysa – nal baa layiraahdaa baa lagu yiri-. Reer Masjid bi’iye haddiiba ay magaaladii joogeen muddo laba isbuuc ah, waxa ay u diyaar garoobeen inay safarkooda sii wataan ilaa ay halkii yoolkoodu ahaa. Xilligu waa subax hore waxa ayna taagan yihiin astaankii gawaarida Xamar u bixi jirtay. Gaariga ay raacayaan waa “Siisow”, dadka inta badan dumar iyo ragba gor baa la koraa. Hadda waxaa kor u hadlaya darawalkii waxa uu leeyahay “ Halla soo fuulo gaariga waa la baxayaaye.”  Dadkii waxa ay bilaabeen inay ka soo kacaan meheradihii ay shaaxa  ku cabayeen, gaarigii bayna wada fuuleen. Waxa u bilowday safar dheer, waxa ay u socdaan magaalo uu ku riyoodo qof  walba oo Soomaali ah inuu dego ama mar un uu tago, haddii uusan degitaanka awoodinna inuu mar un tago. Habeenno iyo maalmo ay jidka ku jireen ugu danbays waxa ay tageen magaaladii Muqdisho.

Reer Masjid bi’iye si wanaagsan bay u fahmeen magaaladii, caruurtiina waxbarasho baa la geeyay. Waxa ay maalmuhu is daba maraan; habeenaduna is dhaaf-dhaafaan;  biluhuna is eryadaan;  sanaduhuna ay sanka isku hayaan; ninkii Sugulle ahaa maanta waa nin isku filan. Dhanka waxbarashada ilaa heer jaamacadeed buu ka gaaray, shaqo waanaagsan waa uu haystaa, oo waxa uu u shaqeeyaa wasaaradda beeraha. Waa isaga cidda reerka biisha hadda, oo odaygii Salaad Samatar ah dhowr sano ka hor buu madaxa laabay. Sugulle waxa uu ku jiraa maamihiisa ugu wacnaa nolosha. Balse waxa ay yiraahdaan “Si jirta siima jirto” , oo isbaddal inuu dhaco waa qaaciidooyinka ay ku dhisantahay noloshu. Sanadku waa 1990, magaalada Muqdisho iyo dhamaan wadanka waxaa laga dareemayaa xasilooni darro. Waxaa sii liicaya nidaamkii dawliga ahaa ee wadanka ka jiray. Sugulle laba bilood miishaar ma qaadan, oo miyaa la waayay wax shaqaalaha la siiyoj? Mayee lama wayinee dhexda lagu kala goostay miishaarkii shaqaalaha. Sanad ka dib waxaa afka ciidda darsatay dawladii uu u shaqayn jiray Sugulle, wadankiina waxaa uu noqday dawlad la’aan, fawdo iyo dagaalo sokeeye oo markaa bilowday. Sugulle oo subax hor fadhiya gurigiisii xabadduna si aan innaba caadi ahayn ay magaalada uga dhacayso waxaa u yimid Faarax oo ay daris ahaayeen muddo dheer. Faarax waxa uu ku yiri “ Waxa aan doonayaa maanta inaan magaalada isaga qaxo, oo inta xabaddu joogsanayso aan bal tuulooyinka caruurta u saaro, adigu miyaadan xabadda ka baxayn?” Sugulle oo aad uga fakaraya xaaladda uu wadanku ku jiro iyo meesha uu u sii socda ayaa jaalihiisii ugu warceliyay  “ Ninyahow saad wax mooday maaha, saansaanka magaaladaan ka muuqda ma wanaagsana, haddii kollayba aad qaxaysid waxa aad aadaa gobolada ay dadkiinu degaan. Tan kale anigu waxa aan doonaya inaan wadanka gabigiisaba isaga qaxo, oo halkaas Yaman iyo dhul carbeed baan afka saaraya, hadde nabad gelyo iyo nooli gulantee.”

Safaradii Sugulle ee Yaman, Syria ilaa Ingiriiska

Waa xilli habeen ah, mayee habeen keliya maahee wa saqdii dhexe. Sugulle waxa uu ku jiifaa joorari dhex yaal qol mugdi uu dhan walba ka xigo. Qadaad qadaad buu u jiifa, indhihiisuna sida qof wax daawanaya bay sanqaaf  mugdi ka sokeeyo ku foganyihiin. Waa uu fakaraya oo fakarayaa…  oo muxuu u fakari waayay soo biri nin socdaal qaarado la isaga gooshidoono geleya maaha. Waa hiirtii waa bari, waa maalin cusub. Sugulle si walba waa uu u diyaarsanyahay oo isbuuc muddo ku dhow buu tabaabushe ku jiray kaliya saaka waxaa uu sugayaa waa baabuurkii u qaadi lahaa magalaada Boosaaso. Waxa uu fadhiyaa  meherad shaaxa laga cabo, una dhow astaankii uu gaariga ka raaci lahaa. Dadku waxa kaliya oo ay ka sheekaynayaan waa dagaal lagu hoobtay oo shalay casar gaabkii magaalada ka dhacay “Labaatan baa laga dilay; afartanna waa laga dhaawacay; laba gaarinna waa laga qabsaday.”  Waa maqane jooge, cidna la uu hadli maayo,  labadiisa indhood waxa ay ku maqanyihiin oday hadalkaa kore yiri oo ka mid ahaa dadkii shalay dagaalka ku jiray. Cabbaar yar kadib waxaa u yimid kariishbooygii oo ku wargaliyay in isaga kaliya la sugayo, isna waa uu raacay. Gaarigii waa uu dhaqaaqay, waxaa bilowday safar dheer, dherer kaliya maahee waxaa aad looga baqanayaa mooryaanta isbaarooyinka dhigata. Waa dad irsaaqadoodii halkaas ay soo gashay. Hadii ay lacag ka waayaan darawalka waa dilid. Ilaahay bari badan iyo sadaqo badan ugu danbayn waxa ay yimaadeen magaaladii Boosaaso. Sugulle haddii uu gaarigiiba ka degay waxa uu afka saaray dhankaas iyo xeebta. Dad baa joogay makhaayado xeebta u dhow, wiil ka mid ahaa dadkaas meesha joogay buu uga warramay safarkiisa iyo waxa uu damacsanyahay iyo in la helayo wax dooni ah oo Yaman usocota iyo in kale. Wiilkii baa ku yiri “ War ninyahow waxaa tahay nin hoodo iyo ayaan badan, caawa bayna baxaysaa dooni dad wadda, ninka doonida lihina waa isaga halkaa fadhiyee lacagta un iska bixi.” Sugulle oo wajigiisa ay ka muuqato naruuro iyo naxariis badan ayaa ninkii loo tilmaamay u tagay deetana lacagtii bixiyay. Waxay ku balameen galabta inuu halkaan iskeeno oo la bixi doono.

Doontii waxa ay ka shiraacatay xeebtii Boosaasood abbaare 11:30 habeennimo. Doonta waxaa saaran afar boqol oo ruux,  caruur iyo haween bay u badanyihiin. Doonidii waxa ay muquuratay bad-wayntii. Naakhuuduhu waa  nin bad-maax ah, oo dhaqan iyo hidde-ba u leh xirfadda naakhuude-nimo. Muddo labo saac markii ay ku jireen bad-wayn mugdi iyo mowjado badan; dabaylo iyo roobabna ay u dheeryihiin, nakhaaduhii waxaa ka luntay jihadii. Naakhuuduhu waxa uu isku dayayaa inuu dadka ka qariyo in jaahii iyo jihadiiba ka lumeen, waxa uu ka baqayaa haddii uu mushkiladda soo korodhay la wadaago rakaabka in caruurta iyo haweenku bakadaan deetana dhibaato intaa ka wayn meesha ka dhacdo. Waaberigii waxa uu u sheegay rakaabkii in ay jihadii ay ka lumiyeen roobabkii iyo dabaylihii xalay. Dadkiina waxaa soo food saartay wal-wal iyo walbahaar. Hadda  waa maalintii afaraad oo ay badda saaranyihiin. Kala bar wax ka bandanna dadkii waxa ay u dhinteen oon iyo gaajo. Dadku waxa ay cunayeen maryaha sida duruucda shiidka/baatiga ah iyo macawsaha jilicsan intay biyaha ku radiyaan. Maalinimadii shanaad xilli casar liiq ah bay soo gaareen xeebihii Yaman. Isla goortii ay soo gaareen xeebtii Yaman waxaa qab-qabtay askar goobta ku diyaarsanayd oo qaxootiga Soomaaliya ka soo qul-qulaya inuu xeradii Mukalla geeyo loogu tala galay si aysan wadanka gudaha ugu soo galin.

Sugulle haddiiba uu muddo labo bilood ah ku sugnaa xeradii Mukalla, waxa uu u kicitamay halkaas iyo Cadan. Sugulle waxa uu Cadan ka helay shaqo macallinnimo. Waa bare luuqadda Ingiriiska ka dhiga dugsiyada sare. Haddii uu muddo labo sano ah joogay Cadan, wa xoogey kharash ahna u aruureen waxa uu isku sii daayay magaalo madaxdii Syria ee Dimishiq. Markii u tagay Dimishiq noloshii waa ay ku adkaatay, wax shaqo ah ma uu hayo, koobka shaaxa ah shilin uu leeyahay kama bixiyee  shaxaad buu ku caabba, hooyga iyo hungurigana waxa uu ka helaa oo uu dulsaar ku yahay reero ay qaraabo fog yihiin. Waa uu seexadaa oo soo toosaa, wakhti uma xisaabsana, maalmuhu waa isaga dhex yaacsanyihiin oo jimcaha waxaa ugu xiga jimce kale inta udhaxaysana ma uu garto gooray dhaafeen, jumcahaasna ma uu garteenee salaaddaa la tukado iyo khudbaddaa un buu ku gartaa.

Sugulle hawsha ugu way ee uu hayo maalinwaynta oo dhan waa inuu xilliga barqadii tago makhaayad nin carab ahi leeyahay oo la yiraahdo Nayruus. Waa makhaayad wayn oo wayn waxa ay leedahay barando aad u wayn waxaa isugu yimaada dadyow kala duwan, baryahaanse Soomaalidii kaliya bay ciriir ku tahay. Goobta cidda joogta waa rag un. Goobtaan waxaa lagu falanqeeya laguna lafa guraa arimo dhoof  ku saabsan. Saddex waddan un bay inta badan ka sheekaystaan, waa Ingiriiska, Canada iyo Maraykanka. Mid kastoo ka mid ahi waxa uu u xayd-xaydanyahay xoog ama xeelad hadba kii ufudud inuu ku tago dalal kaas mid un. Koox koox bay u fadhiyaan, waa ay buuqayaan oo ala’laasayaan, iyaga se waxa ay la tahay inay si caadi ah u sheegaysanayaan. Tiro dhowr jeer ah baa boolisku meesha ku soo leexday iyagoo u qaba meesha inuu shil ka dhacay, markastana nin makhaayadda lehi waxa uu ku qancinyay inay dadkaan sidaas un bay sheekaystaan. “ Hebel baasaboor bug ah buu ku galay Ingiriiska.”  “ Waxaa laga soo celiyay garoonka diyaaradaha ee Frankfurt oo diyaaraduu saarnaa baa taraansit ku ahayd, Alla nasiib xumaa wuxu.” “Anuu xalay ila soo hadloo sharcigii waynaa bil kadib buu qaadanayaa, sanadka cusubna waxa uu ka xaysanayaa reer koodii oo xeryaha Kenya ku jira.” Intaas waa hadallo goos goos ah oo laga dhex maqli karo buuqa iyo hugunka halkaas ka baxaya.

Waa meerto maalmaha aduunkuye, maamulka Alloo jira mar way ku silciyaan marna way ku saacidaan. Sugulle maanta waa xidigga kaliya ee ifaya, waxaa usoo baxay layn Ingiriis-ka ah oo gabar abtigii dhalay baa u dacwootay.  waxa uu fadhiyaa barandadii wayneed ee makhaayadda. Waa lagu hareeraysan yahay sida ruux bukoo quraan lagu akhrinyo. Su’aalo ciidda iyo camarkaa ka badan baa la cabsiinayaa. “ Yaa kuu dacwooday?”  “ Goormaa baxaysa oo dal-ku-galkii ma kuu soo baxday?” “ Gabadha ma la qabaa kuu dacwootay?” Haddii waayadii  hore aamusnaan jiray, qofka hadlayana uu indhaha ka fiirsan jiray, maanta waa uu hadlayaa, haa waa uu hadlayaa oo kaftamayaa, mar waa uu qoslayaa oo duryaamayaa. Nin baa kula kaftamay “ War heedhe Sugulle illaa ninyahow fool baa kaa maqan , Alla ogee maanta ka hor ma arag. Maasha la yiri: Af daboolan dahab.” Waxa uu gacanta bidix ku haystaa koob casiir ah oo dhamaad ku dhow, intii u danbaysay buu sii fiiqsanayaa. Waxa uu fiirinyaa dhisme in cabbaar ah u jira oo shan dabakh ka kooban , waa halka ay safaaradda Ingiriis-ku ka ga taal magaalada Dimishiq, waxa u muquuday calankii Ingiriis-ka oo babanaya, waa uu dhoola cadeeyay oo aduunyo kaluu ka fakaraya, qalfooftiisu makhaayaadda Nayruus bay joogtaa, qalbigiisuna wadooyinkii London buu dhex mushaaxayaa. Raggii la fadhiyay qaar waa ay yaaban yihiin, qaarna dulqaadkii baa ka dhamaadayoo waxa ay lee yihiin “ War maa nala hadashid oo waydiimaha no oga war-celisid.”  Dhankoodii buu u soo jeestay isagoo aad moodid ruux soo salalay. Waxa uu ku yii “ Haa haa… war nimanyahow aan idiin waramo, gabar abtigay dhalay oo Shan-karoon layiraahdo hadde waa shan! Labo iyo saddex toonna maaha baa ii dacwootay, dacwadiina waa laga aqbalay. Bil kadib dal-ku-galkii bay ii dalabtay, isna soo heshay, aniguna birri baan tagidkii raadsanayaa. Bisha lixdeedana waan baxaya, magaalada Rome ee Italy baan taraansit ku sii ahay. Midi wataa. Waxaa kuu soo haray soomaaha gabadha ma la qabaa? War nimanyahow gabadha lama qabo kow dhaha, dee anaa doonaya inaan isku meeleeyo markaan baryo joogo meesha waxna ii baxaan.”  Sugulle maalintaas isagaa qaba ragga shaaxooda iyo sharaabkooda. Waa xeer jira oo hadba ninkii wakhtiga iyo waayuhu saacidaan baa ragga ka farxiya. sidoo kale waxa uu niyoonayaa “ Safar salaama” iyo in ilaahay ka nabad galiyo isha aadanaha aan libinta isu ogolayn iyo “ Hiqda” asxaabtii ay waayaha aduunku ka hiiliyeen.

Asbuuc kadib sugulle waxa uu yimid London, waxaa si qiimo iyo qaayo le u soo dhawaysay ina abtidii Shan-karoon. Dhowr bilood ka dib waa ay is guursdeen ina abtidii. Sugulle waxa uu raadinayaa muddo sanad ah shaqo xafiiseed, dhowr arji oo uu qortay waa loo qalbi qaboojiyay “Annagaa kula soo xiriiri donna.”  Baa lagu yiri. Illa iyo hadda cid la soo xiriitay majidho, asna waa uu quustay. Waxa uu ku tashaday inuu muruqiisa  maalo. Gaari ay gabadhu leedahay buu ku shaqo bilaay. Taksiile weeye sugulle hadda. Waxa uu aad u jecel yahay dadka Cadaan ka ah inuu qaado, Soomaalida markuu qaado waa ay isku harraadaan “ Lacagta wax iga dhin.”  “ Hadda lacag ma wato birri baan isku kaa siinayaa.” “ War ii istaaji gaariga ninkaas baan salaamayaaye, maxaad isaga dhigtaa inaad kaligaa magaalada gaari ka wadatid.” Hadalladaas iyo kuwo la halmaala  Soomaalida un bay isugu yimaadaan. Boqolaal Soomaali ah buu dayn ku leeyahay, isiiya hadduu yiraahdana “ Bishu hadhamaato iyo aakhiru miishaar baa lagu jiraa kama daayaan.”

Marar Badan waxa uu jabiyay sharciga wadada, dhowr  jeer waxa uu galay shil uu khalad kiisa isagu lahaa. Boolisku tiro labo jeer ah waa ay u digeen. Mar saddexaad haddii uu galana waxa ay u sheegeen inay kala noqon doonaan ruqsadda gaari wadidda. Isna haye iyo hawraasan buu yiraahdaa mar walba. Xilli galab ah isagoo deg-degsan gaarigana xoog ula xawaaraynaya ayuu ku dhuftay caruur iskuul ka soobaxay. Mid yaroo lix jira buu lugta bidix digada iyo dambaska ka dhigay. Waaw… waaw… waaw­-dii anbalaasta iyo gaawaridii booliska intuu ku bakaday dhan uu u socdo iyo dhan uu ka yimidna garan waayay buu gaarigii tukaan laga adeeganayay oo aan ka fogayn goobtii shilkii hore ka dhacay la galay. Booliskii oo awalba u soo socda baa sii dafay. Sal-dhiggii booliskii goortii la geeyay  oo in la waraysto la maagay Waa uu khalkhalay oo isku dhexyaacay, hadalkiisu hakad male. Waxaa lagu xukumay sanad xarig ah iyo xoogaa lacag ah. Qolka uu ku xiran yahay maalintii afar jeer baa loogu soo gala, saddex jeer cunnaa loo keena, marna dhakhtar qaabilsan dadka xanuunada dhimirka qaba baa u yimaado. Kun iyo kow jeer waxa uu usheegay inuusan waalnayn oo uu isaga ka caafimaad badan yahay dhowr jeer inuu gacan u qaado buu ku sigtay, mar walba shaqaalahaa ka soo gaara. Dhakhtarkuna lacag buu ku qaatooyoo, mar walba oo ay waydiiyaan qolyaha meesha haysta xaaladda Sugulle waxa uu yiraahdaa “ Saakuu u darnaa intuu meesha joogay.” “ Kasii darid mooyee kasoo rayn male.”  Muddo sanad ah haddii uu xirnaa, xaaladdiisa caafimaadna ay qiimeeyeen waa ay iska soo siidaayeen. Waxa ay soo siiyeen warqad cadaynaysa inuu miyir-qabo. Subax iyo galab walba si loogu hayay waad waalantahay, hadda  oo uu banaanka joogo waxa uu ku suganyahay xaalad waali iyo miyir qab u dhaxaysa. Faruhuu taag-taagayaa oo waa uu is lahadlayaa waxa uu leeyahay “ Ma waalni haa ma waalni, dadka haloo sheego. Booliskaa og inaanan waalnayn.”

Shan-karoon waxaa u jooga shan caruur ah, waa ay shaqayn jirtay oo caruurteeda iyadaa u qaraaban jirtay. Waxa ay u shaqan jirtay shirkad.  Shaqadeedu waxa ay ahayd xisaabiye. Hadda shaqadii ma ay hayso oo waa laga rookeeyay. Dhowr jeer oo soo daahitaan looga digay, waxaa ugu darsamay inaysan isbuuc cagaha dhigin goobtii shaqada. Haa waa run ma aysan tagin isbuuc oo gar bay u lahayd. Isbuucaas waxaa isugu darsamay ciidan la’aan iyo cudur caruurta mid kood ku dhacay. Waa ay wacday goobtii shaqada dhowr jeer balse wax jxin-jixa looma muujin. Ugu danbaynna shaqadii waa laga eryay. Hadda waa guri joog oo caruurteeda dhanna uma dhaafto. Iyada iyo sugull afar iyo labaaatanka saac waa ay is haystaan. “ Orod shaqa tag guriga ha dhex taagnaanninee.” “ Lacagta ay dawladdu siiso caruurta nagu ma filnee, orod oo naf is gali, oo bal dhaq-dhaqaaq samee fadhiga wax kuu gu  imaan mayaane.” Iintaasi waa hadallo dhagaha sugulle ay soo tufeen maalinwalba mar iyo marar badan baa lagu dhahaa. Dhowr jeer gacan buu u qaaday iyaduna booliskaan wacayaa iyo waa danbe gurigaan u soo hoyan maysid bay wacad ku martaa. Saaka gurgii sugulle waxaa hor dhooban gawaaridii booliska. Waxaa u yeeray shan-karoon, oo maxay ugu yeeri wayday soo gacan kamuusan jabin la qaadku. Alla! Ma shan-karoontiisii buu gacan ka jabiyay sharaftu haka haaddee. Waliba gacan kaliya maahee dhaawacyo kale baa u dheer. Boolisku waxa uu u sheegay inuu calaladiisa soo aruursado waa danbana aan lagu arag gurigaan  agtiisa iyo agaariisa.

Sugulle oo balwadi baabi’isay

Sidii xaafadiisa looga eryay waxa uu guda galay nolol rajo beel ah. Waxa uu si tartiib-tartiib ah u bilaabay balwaddii. Hal xabboo sigaara buu ku bilaabay. Xabaddaas sigaar ka ah waa uu qarsadaa, markuu cabbana waa uu qoomameeya. Dhowr saac markuu joogaba xiisihii xaraaraddaa ku xoogaysta haddana xabad kaluu shitaa. Mudduu saas ku jiray. Waayadan dabne se xabad sigaar  xaraaradda kama jabiso, dhowr xabuu nus saac wax ka yar ku cabbaa. Haddii markii hore ay taksiilayaasha saaxiibo ahaayeen hadda isma yaqaanaan. Asxaabtiisii waa uu badalay, haa cajaladda dhanka kaluu u rogay. Habeennadaan waxa uu u hoydaa guri duul ba’ay ay joogaan. Waa rag iyo haween, qol wayn bay deggenyihiin, waa ay is dhex seexdaan waxba uma kala qarsoona, waxna ma kala laha. Dharka, khamriga, xishiis-ka iyo irbadaha daroogada waa ay wadagaan. Maalintii oo dhan waa ay hurdaan, hurdo lama oran karee sidii maydkii bay meel yaalaan. Makhribkii bay magaalada u soo baxaan, waaberigiina waa ay soo hoydaan. Sugulle maalin kasta  cashar hor luu bartaa. “ Tani sarkhaan badan ma le, oo taas baa ka wanaagsan. Irbaddaan xididdada yar yar baa la isaga duraa. Kamrigaas baa ugu sarkhaar badan walow uu qaali yahay” intaas waxa ku tiri gabar dhalo khamri ah gacanta ku haysatay oo meel u dhow fadhiday.

Sugulle waa uu is adkaynayay dhowr isbuuc oo uu la joogay saaxiibadiis. “ Dhadhami war hal mar kabbo ilaahay nin raguu kaa dhigaye.”  “ Sigaar un baad intaa afka ku haysaa. Dhoorre Alla maxaad khashiin tahay war hoo irbaddaan hal mar xididka ka qaado.” Intaas iyo in la mid ah bay ku yiraahdaan har iyo habeenba. Saaka waa markii ugu horaysay uu oo dhalo khamri ah gacanta ku qabto. Saaxiibadii oo meel aan ka fogayn fadhiya baa kusoo wada jeeda.waxa ay leeyihiin “Dee furoo cab.” “ Alla! Alla! Waa uu furay, war kabbo dee, haa hadduu kabbanayaa u dhawee afka. Kabbay kabbay kabbay….. Aaa aar waa uu kasoo celiyay afka. Kan muxuu ahaa waxaba sun buu u qabaayee.”  Mar dhaladuu furaa marna waa uu xiraa; mar afkuu u dhaweeya haddana kala soo noqdaa. Indhuu isku qabsaday oo haddana kala furay, mar buu kabaday haddana mar labaad u celiyay, dhaladii buu afka saaray oo qur-quriyay . “ Hogaa! Hogaa! War ka qabta… war ka qabta… Alla beerkiisuu ma tagi doonaa kani!”

Sugulle waxa uu cagta saaray wado mugdi iyo musbaarro badan. Awal hadduu sigaar cabbi jiray hadda xasiish kuu cunaa. Khamri cabbidiisii waa ay badatay oo saaxiibadii buu faro dheer yahay. Waa “ Laga baray laga badi.” Isagu ma gatee tay soo gataan buu lacabbaa, xashiish kana waa uu la cunaa marna ka xadaa. Dhowr dhaluu maalintii cabbaa. Waxa uu noqday kharash soconaya. Waa ay karheen oo naceen. Dhowr jeer oo ay guriga ka eryeen toban bari kadib  waa uu soo noqday. Iyagoo maqan ama hurda buu guriga yimaadaa oo waxa xashiish, khamri iyo daroogo taal aruursadaa. Iyaguna magaaladay ka baadi goobaan,  isna waa uu iska ilaaliya. Markuu soconayo dhinacyadauu jeedaaliyaa, horay iyo gadaal buu iska fiiriyaa. Hadday arkaan way eryadaan, isna caguhuu wax ka dayaa.

Sannado badan buu ingiriiska joogay, oo dhanna uusan u dhaafin. hadda cag ma dhigo. Yurub buu sida marawaxaddii ugu dhex wareegaa, oo muxuu ugu dhex wareegi waayay soo nin shaqo haya maaha. Haa shaquu hayaa oo qolyuu daroogada la gadaa. Waddamada yurub ku yaal miduun tagin ma jiro. Kuwo Soomaalidu aysan joogin haddii ay joogtana aysan ku badnayn buu cagaha soo mariyay. Portugal iyo Spain waa uu kasoo waramay. Yurub maagaalo magaaluu u kala yaqaan. Xuduudahoodu intay isku jiraa iyo meelaha sida fudud looga galo balaayuu ku qabaa. Wadan walba danbi buu kaga jiraa. In la xiro bishii dhowr jeer ceebtiisa maahee waa caadadiisa.

Gu’yaal iyo gu’yaal badan oo uu sarkhaan iyo sakaraad  ahaa saakaa loogu qaata. Oo maxaa saaka iska badalay? Dee waa isagii xaloo dhan fakarayay oo marba qorshe dajinayay  “Ninyahow horta nin wayn baad noqotay, saan talo maaha toban sano baad sarkhaansanayd. Waa inaan isbadal aan innaba caadi ahayn sameeyaa.”  “ Maalinkii dhawayd horta muxuu i yiri odaygii dhakhtark ahaa? Beerkaaga dhaawac baa ku yaal haddii aadan joojin khamri cabista badan dhowr sano sii noo laan maysid aa!!.” “ Tolow caruurtii aan dhalay iyo hooyadood ma noolyihiin? Maa aqaan toban sano maba aragee maxaan ka garan dee.” “ Birri waa inaan tagaa goobihii Soomaalidu isugu imaan jirtay. Sax waa inaan tagaa. “  Dhammaan maan-dooriyaha wax sheegta waa inaan faraha ka qaadaa oo aan mar danbe agtiisa marin.” Intaas iyo in kaloo badan waxa ay ka mid yihiin hadalladii uu xaloo dhan naftiisa ku waaninayay.

Sugulle oo war murugo leh maqlay

Saaka waa uu jarmaaday, waxa uu u socdaa goobihii Soomaalidu u badnayd. Waydiimo uu ogyahay in la waydiin doono buu warcelintoodii sii diyaarsanayaa. Waa uu luudayaa ilayn nin socon karaya maahee. Oo side buu u socon karaa saakaba irabaddii isku muusoo dhufanee. Waa uu qabatimay daroogada saakase waa uu is diidsiinaya. Waxa uu soo jiitamo oo hadba meel soo istaago ugu danbayn meharadihii Soomaalidu dhoobaan jirtay buu soo dhex istagay. Ciduu garto iyo cid grata waa uu ka waayay meesha. Dadkani waxa ay wadanka soo galeen tobankii sano ee uu aduunka ka maqnaa, aakhirana uu ka sokeeyay. Waxa meel aan fogayn uga muuqday nin uu garanyo. U dhaqaaq dhankiisii oo u sii dhawaa ugu danbaynna waa uu hor istaagay. “ Waryaahee dhalada nooga bannee aan kaa daawannee, war muxuu ahaa axadkaan naa-naabaan.” “ Hayaay! War waa Sugulle. Allay lehe waa in istaagga lagu salaamo war bal laabta igali, oo haddana igali.” “ War kabal-yeeriyow waar bal ninyow koob shaaxoo dheer la soo carar ninkaan caajis baa ka muuqdee wahabku haka kacee.” Intuu shaaxa cabayay waxaa u yimid dhowr nin oo kale oo uu bar garanayo.

“ War xagee jirijirtay?” “ Waryaa Sugulle war dee timihii goormay kaa bideen? Waa wareey! War iligba kugu ma yaale.” Mid meesha fadhiyay oo indha gor-gor lahaa baa waydiimahaa sidii warankii wadanaha uga wab siiyay. Isna warcelintu waa u diyaar. “ War ninmanyahow la idiin waran. Horta waxa aan ku maqnaa Sucuudiga tobankii sanoo danbe , oo waan ka shaqayn jiray, kow dhaha. Bidaartaa iisoo hartay. Dee adeerayaal nin ragaa bidaar le, dee ordaya soo ka xeeya islaan bidaar le.  Ilkahaagii aawaye baad leedihiin. Allow nimaan Sacuudi arag!! War meesha waxaa ka baxa bahal timir layiraahdoo macaan oo miid ah, anna waligayba oon kale afkayga ma saarin, oo macaankii baa ilkiha eber iga dhigay. Ilko iyo tima un baad fiirinaysaane, adeerayaal sanad walba waan xajin jiray, cumradu iyadu xisaab male. Shanta salaadood masjidka nabiga NNKH baan ku tukan jiray. Dee intee jeer baan ka adimay. “ Bal ii waran warfaayow adigaan daris ahayne, waagii na isugu kaaya danbysay.”  “ War Sugullow warku waa intaa haysid, oo dee waa iyadii xaaskaagii iyo saddexdii yaryaraa shilka gaari ku dhintay. Gabadhii curadda ahaydna waa iyadii ninka Afrikaan ka ah guursatay. Dabadeed kala tageen. Hadda laba adoon oo mad-madow ooyar yara baa u jooga. Istaaqfurulaah adoomo maahee waa caruurtii aad awoowga u ahayd. Gabadhii kalana waa iyadii waalatay markay shilkii caruurta iyo hooyadood ma qashay. Oo iminka dadka xanuunada dhimirka qaba meel lagu hayo bay ku jirta.”

  Sugulle waa musharax madaxwayne

Sugulle waa baas oo balo wataa u baryay, talo-na farahiisa waa ka baxday. Caruur mahayo; caafimaad ma hayo; ceeryaamo murugeed baa calan ulushay. “ Ingiriiska waa inaan isaga tagaa, wadankii waa inaan u noqdaa. Oo maxaa wadankii iiga horeeya?” “ Waa inaan wadankii shaqo u raadsado. Haa waa inaan caqli keenaa.” “ Horta magaca Soomaaliya oo aan ku dhawaaqo goormaa iigu danbaysay. Soomaaliya… Soomaaliya… Soomaaliya.. yaah!! War dee magacu see yahay. Balaayooy!.” Xoogaa lacag ah waa uu haystaa. Ma badna se. lacagtiisii tumasho iyo tamash laa u dhameeyay. “ Wadanka doorashaa ka dhicidoonta mar dhow soo maaha? Haa. Waa inaan musharrax iska dhigaa oo tolka iyo hay’adaha shisheeye jaf-jaftaa, hadhowna waji kale la soo baxaa. Haaheey! Haddaan tubtii toosnayd cagta ku hayaa.”

Odayaashii reer Qurac ay isla ahaayeen oo London joogay u waran. Iyaguna waxa ay u sheegeen inay hiil iyo hoo-ba  la garab istaagi doonaan. “ Haddaan reer qurac nahay waligayo madaxwayne-nimo umaan tartatamin, maanta aqoonyahkeennii dhiig is galiyay.” “ Ina Masjid bi’iye baa musharrax ah soo maaha?” “ Us war us Alle afka ku goo. Ina Masjid bi’iye ku ye. Adeer naanaystaa maanta wixii ka danbeeya yaan lagu oran musharraxa. Dadka hanaga didinina billa calayk.”  Intaasi Waa qayb ka mid ah hadalladii reer Qurac.

Waxaa la sameeyay guddi dhaqaale uruurinta qaabilsan. Waxa ay u badan yihiin dhalin yaro aqoonyahanno ah. Hool wayn bay isugu keeneen hal-doorkii reer Qurac. Wadaad iyo waranle; aqoonyahan iyo ganacsade looma kala maqna madasha. “ Tol waa tolane.” Halkii baa qaaraan la isku qoray yar iyo waynba; rag iyo dumarba. Soomaalidii kale ee London joogtayna iyagan hanti baa laga doonay. Oo see? Kumanaan soomaalidii ka mid ah baa hool loogu yeeray. Wadaad reer Qurac ah baa hawsha agaasimkeeda wata. Mawduuca laga hadlayo caawa waa abaaro wadankii ku dhuftay iyo dugsiyo qaybo wadankii ka mid laga dhisayo. Dadku haka qayb qaataan buu yiri “ Unaxariista kuwa dhulka jooga sammada ha la idin kaga naxariistee” intaas buu ku cel-celinayaa wadaadkii. Dadkii qiiro iyo qarracan baa ka muuqda. “ War igu qor intaas aniga” “War anna intaas in le’eg igu qor.” Islaanta  kaliyoo siliska dahabka ah intay luqunteeda kasoo furto oranaysa, war iigu dar sadaqada ilaahay igama reebee iyo gabadhaha faraantiyadooda siibaya yaab baa ku dilaya.

Sugulle lacag xoog le buu kala tagay London. Dubai jaaliyaddii joogtay wax bay isugu dar-dareen iyguna. Nairobi buu yimid. Nairobi iyada lacag ka uu rajyn mayo ee isagaa laacag laga rabaa. Waxa uu kireeyay hotel, waxaa la sameeyay qado, sidoo waxa la martiqaaday qaybihi Soomaalida. Maalintaas waxa la cunay bahal qado ah oo kala qaadan gabigeeduba. Halkaas waxa uu uga dhawaaqay musharrax-nimadiisii. Waxa uu warqad ka akhriyay khubad dadka quluubtooda gilgishay. Dhalinyaradu xaggiisa waa ay isku ciriiriyeen “ Hoo sawir nugu dhufo aniga iyo musharraxa.” “ Musharrax ninkani waa gudoomiyihii rugta ganacsiga Soomaalida, sawir inuu kula galo buu doonayaa.” “ war mushrraxa waa uu daalanyahay, hawlo badanna waa sugayaane mashquulka ka daaya.” Intii uu Nairobi joogay waxa uu la kulmay qaar ka mid ah hay’adaha ummuuraha Soomaaliya waalaaqoo daba gadiya. Isaga waa la hagaya oo rag qaraabadiisa ah oo siyaasadda Soomaaliya aan waligood lug kala bixi baa warqdo u qora. “Sugulle markii aad la kulantid islaanta haysata hay’addaas laba mawduuc kala hadal?” “  Oo maxay yihiin labadaasi. Alla maxay ilma adeertay ila shaqaynayaan.” Waxa aad kala hadashaa “Qoondada haweenka ee dhanka siyaadda iyo dhibaatada gudniinka fircooniga ah.” Sidoo kale ha ilaawin ereyada “ Gender balance iyo power sharing.” Inaad ku celcelisid.

Subaxdii danbe waxa uu u soo duulay Muqdisho. Garoonka diyaaradaha saan innaba caadi ahayn baa loogu soo dhaweeyay. Magaalada waxaa ku yaal boorar uu sawirkiisu ku dhaganyahay. Sawirka hoostiisa waxaa ku qoran “ Ku dooro musharrax Sugulle Salaad Samatar – Nabad, caddaalad iyo horumar . Waxaa loo sii galbiyay hotel loogu tala galay. Waxa uu leeyahay istaaf u gaar ah oo ku hareeraysan, goor walba iyo goob kasta. Mobile-kiisa ma uu qabto ee waa loo qabtaa “ Mudane lambar baa kusoo wacaye, fursan aad kula hadashid ma haysaa?” Cunnada inta uusan cunin waa laga dhadhamiyaa. “ Cadawgu waa badan yahay” bay ku andacoodaan kuwa cunnada dhadhamiya. maanta waxa uu la balansanyahay 10:00 barqanimo odayaasha beeshiisa sidoo kale 11:00am waxa ay balansanyihiin dhalinyarada jaamacadaha kasoo baxday ee wadanka jooga. Kulankii hore hadduu bilowdayba, cabbaarna la is waraytay waa uu hadlay “Adeerayaalow ninka ragga libintiisa in la siiyo baa wanaagsan. Barigii dhawayd oo ay baragahii ku yiil Rays-dheer  nagu qasadeen kuwii xumaayo reer Qansax ahaa, deedna aan islaynay. Waxa aan ahaa ninkii sida fiinta London dhexdeeda ugu qayliyay, oo tolka qaaraankii rasaasta lagu gadi lahaa kasoo aruuriyay.” Oday is hayn waayay baa yiri “ Alla muxuu wiil-hoog yahay, walle xinniyaa gubaya kan.” “ War Sugulle, odaygii aabahaa ahaa marka aanu ka sheekasanayno waxa aanu oran jirnay waa mas abur dhalay, balse maantay noo cadaatay inuu yahay mas mas dhaly.”

Saacad kadib waxa uu la kulmay dhalintii jaamacadaha. waxa ay iska waraysteen xaaladda wadanku marayo iyo dhibaayinka haysta. Khudbad dheer oo uu u jeediyay waxaa ka mid ahaa “Waxa aan idiin balanqadayaa haddii aan ku guulaysto madaxtinimad dalka in qof walba oo idin ka mid ah uu helyoa shaqo ku haboon.” “ Wadankayaga waxa dib u dhigay waa qabyaalad iyo nin jeclaysi. Qabiilka iyo qurunka waanu ka gudbaynaa. War soo saa maaha.” Haa waa saa.. haa waa saa… sacab baa xigay dhac… dhac… dhac… dhac.  Maalintii doorashada la qaban lahaa markii ay ka dhimantahay laba bari, ayuu si dhuumasho ah Muqdisho uga duulay. Lacagta uu haysto ilaahay un baa xisaabteeda yaqaan. Malaayiin iyo malaayiin doolar baa akoonada ugu jira waxa ay kasoo galeen olo’lihii doorashada. Inta badan ganacsato ciddiisa ah baa bixisay. Goortii uu jaran jarada diyaaradda fuulayay waxa uu ku celcelinayay  “ War maxay odayadii lahaayeen maalinkii dhawayd-  Mas mas dhalay baa tahay aa!! Yaahuu war kuwaas ma i habaarayeen.” “Lacagtaan ugu horayn waa inaan isaga daaweeyaa kansarkii beerka la iiga sheegay.” “Soomaaliyay ku leeyihiin madaxwayne ka noqo, haddaan beerka ka xanuusanahaye, ma waxay rabaan inaan dhiigar iyo sonkor u dhinto.” Markii ay reer Qurac maqleen inuu ninkii baxsaday lacag raadisna uu ahaa. Waxa ay bilaabeen inay Alla bariyo dhigaan lagu habaarayo Sugulle. “Allow cuqubo ku rid” “ Allow fartuu qaadaba jabi. Allow xoolaha dadow ka mataji.” “Ilaahayow inta cudur dunida taal kuwada rid.” Waxaa wacay maalin nin gacan-yare u ahaan jiray waaguu musharraxa ahaa waxa uu yiri “ War tolkaa yar iyo wayba waa ay ku soo habaareen, cuqubaana kugu soo socota.”  Sugulle oo qoslaya waxa uu yir “ War toban sanaa cuqubo i haysatay, oo beerkaygaan matagi jiray mar mar. Cuqubadii igu dhici lahayd waa ay ii soo hormartay. Haddana maalmahaygii baan ku jiraa.”

W/Q:- Cabdullaahi Cabdi Muuse ( YamYam)

Email: Abdulahiyamyam@gmail.com

22-Nov-2016

Gaalkacyo-Soomaaliya

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open