Muxuu Ka Dhiganyahay Heshiiska Laga Sii Daayey Warbaahinta Shabaab Ee Ay Galeen Biimaal Iyo Maleeshiyada Argagaxisada Ah

Maalmahan qaar ka mid ah baraha bulshada waxa qabsaday warbixin uu aqrinayo mid ka mid ah Odayaasha dhaqanka ee Beesha Biimaal kaas oo ka mid ahaa Odayaal muddo u afduubnaa Maleeshiyada Shabaab.

Marka hore aan sheego halka uu ka dhcay Heshiis ku sheegga qasabka ah ee laga saxiixay Odayaasha Afduubnaa ee kasoo jeeda Beesha Biimaal.

Odayaasha Beesha Biimaal oo tiradooda ay gaareyso ilaa 23-Odey ayaa looga kala yeeray Buulomareer, Marka iyo Muqdisho, waxaana u yeeray horjoogaha Maleeshiyada Shabaab uga wakiilka ah Gobolka Shabeelada hoose Maxamed Sahal oo kasoo jeeda Kililka Shanaad/Ogaadeeniya.

Shirka ayaa lagu qabtay deegaan ka tirsan Jubada dhexe, Mrkii ay tageen Goobta lagu shirayey waxa qaabilay ilaa seddax Nin magacyadooda lagu kala sheegay Maxamed Sahal /Ogaadeen Horjoogaha guud ee Gobolka, Nin lagu magacaabo Kammiin /Gaaljecel horjoogaha Xisbada/Boliiska Gobolka iyo Gees-diir /Habargidir oo ah shakhsiga qaada weerarada lagu beegsado xarumaha Ciidanka Biimaal.

Odayaasha oo si hoose ula hadlay Markacadey.com ayaa loo sheegay in aan laga hadli karin dadka lagu dilay deegaanada Beesha Biimaal, maadaama ay ku xukunyihiin Ciidamada Beesha Biimaal ee la dagaalamaya siday hadalka u dhigeen Diintooda gacan ku sameyska ah ee ay wataan.

Qodobka labaad ayaa aahaa in aan laga hadli karin Guryaha iyo Ceelasha laga gubay deegaanada Beesha Biimaal iyo barakaca shacabka, waxaana ay ku micneeyeen in Biimaal meeel kasta uu joogo uu qaatay fikir ka daran kan iyaga ay wataan oo ah inay la dagaalamaaan cid kasta oo deegaanadooda qoryo ku haaysata.

Waxa la hordhigay warqad ay ku qornaayeen qodobo kala duwan oo dhamaan kasoo horjeeda halganka mudada dheer socday ee Beesha Biimaal ay ugu jirtay inay deegaanadeeda ay kaga xoreysato Mooryaanta kasoo duushay Gobolada dhexe.

Qodobada la yaabka leh ee lagu qasbay in Odayaasha ay saxiixaan ayaa waxa ku jira in Beesha Biimaal ay joojiso dagaalada ay ku qaadeyso Mooryaanta dhulka xoogga ku haaysata iyo inay ka fogaadaan Ciidamada deegaanka oo muddo afar sano ah ilaalinayey mansabka iyo jiritaanka Beesha.

Qaar ka mid ah Odyaasha ayaa sidoo kale noo sheegay in Beesha weligeed aanay qaadan karin heshiiska ay soo galeen laakin ay warbaahinta Shabaabka afkooda ku hadasha ay uga hadleen inay nafsadooda soo badbaadsadaan maadaama Beesha Biimaal lagula dagaalansanyahay halganka ay kula jirto Mooryaanta soo duushay.

Heeshiiskan oo aan waxba ka duwaneyn heshiis uu horey u shaaciyey horjoogihii laga qaaday xilka Gobolka Abuu Cabdalle oo 28-kii Abriil ee sanadkan sheegay in uu heshiis dhex dhigay Beesha Biimaal iyo Mooryaanta xoogga ku haaysata Beeraha Gobolka ayaa markan loo wareejiyey in Beesha iyo Shabaab ay galaan Heshiis ku sheeg qasab ah.

Dhammaan qodobada iyo qaababka ay u dhaceen labada heshiis ayaa u muuqda kuwo loogu deegeenayo Mooryaanta dhulka xoogga ku haaysata kuwaas oo heshiis isbaheysi ah la galay Maleeshiyada Burcad diimeedda ah ee Shabaab.

Hogaanka Ciidamada deegaanka ayaa si adag uga horymid inay qaataan hadalka qiyaaliga ah ee Odayaasha loosoo dhiibay, waxaana ay ku goodiyeen in deegaanada Beesha Biimaal ay gali karin wax gorgortan ah.

Waxaan dhawaan idin soo gudbin doonnaa Taariikhda Shakshiyaadka Caanka ah ee Heshiiska kula jira Mooryaanta ee wata magaca Maleeshiyada Alshabaab.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open