Wadahadalo Magaalada Hargeysa Uga Furmay Xisbiga Wadani Iyo Garabka Jamaal Cali Xuseen (Sawiro)

Magaalada Hargeysa ee xarunta Jamhuuriyadda Soomaaliland waxa maanta shir uu uga furmay mas’uuliyiin ka tirsan Xisbiga Wadani iyo garabka uu hogaaminayo Jamaal Cali Xuseen oo dhawaan ka go’ay xisbiga Ucid.

Wadahadalka oo ka furmay Hoteel Maan-soor ee magaalada Hargeysa ayaa waxa ka qeyb galay mas’uuliyiinta labada dhinac oo ay ugu horeeyaan Jamaal Cali Xuseen iyo Gudoomiyaha Golaha Wakiila C/raxmaan Cirro oo ah musharxa u taagan inuu qabto jagada Madaxweynenimo ee Soomaaliland.

Shirka maanta furmay ayaa lagu wadaa in uu sii socdo ilaa maalinta berita ah, waxaana dhinacyada kulmaya ay soo saari doonaan qodobada ay ku heshiiyaan.

15181228_1145896742126994_6282525514500418200_n

15123327_1145896555460346_969809589013022995_o 15128822_1145896688793666_7541540366817232481_o 15129518_1145896455460356_4825420996873702887_o 15138448_1145896452127023_799858924944676935_o 15156988_1145896565460345_4592751367154868671_o

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open