Wararkii Ugu Dambeeyey Maleeshiyada Shabaab Oo Dagaal Culus Kula Wareegtay Deegaanka Goof-gaduud Ee Gobolka Baay

Maleeshiyada Alshabaab ayaa maanta mar kale waxay dagaal culus kusoo qaadeen Deegaanka Goof-gaduud oo ka tirsan Gobolka Baay.

Weerar la sheegay in uu cuslaa ayaa Maleeshiyada argagaxisada ah ee Shabaab wuxuu u suura geliyey in gacan ku heynta Goof-gaduud ay kala wareegaan Ciidamada Maamulka Koonfur galbeed oo halkaas ku sugnaa.

Ciidamada K/galbeed oo aan deegaanka markii hore ku joogin Awood sidaa u buuran ayaa baneeyey saldhiga iyo xarumaha ay deegaanka kaga sugnaayeen, waxaana saraakiisha Ciidamadu qaar ay sheegeen in gurmadyo ay ka dalbadeen Baydhaba ay heli waayeen taasna ay keentay in deegaanka lagala wareego.

Maleeshiyada Shabaab ayaa hada lagu soo waramayaa in ay si buuxda gacanta ugu hayaan deegaanka Goof-gaduud oo horey dhowr mar ay usoo weerareen.

Deegaanka Goof-gaduud oo mar sii horeysa ay isaga baxeen Ciidamada Midowga Afrika ee ka socday Dowlada Itoobiya ayaa qiyaas ahaan 35 km u jira magaalada Madaxda sida ku meel gaar ka ah uu u degenyahay Maamulka K/galbeed.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open