Xildhibaankii Afaraad Ee Beesha Biimaal Oo Shalay Lagu Doortay Magaalada Baydhaba (Warbxin)

Sidaan warbixinnadii hore ku sheegnay shalay waxa magaalada Baydhaba gaaray Ergo gaareysa 51-xubnood oo uu la socday Wasiir ku xigeenkii gaashaandhigga xukuumadda waqtigeedu dhamaaday.

Doorasho shalay gelinkii dambe ka dhacday magaalada Baydhaba ayaa sidii la filayey Cabdalle Xuseen wuxuu helay tiradii ugu badneynd ee codadka ay dhiibteen Ergadii codeeneysay.

Cabdalle oo xalay wixi ka dambeeyey noqday xildhibaan ka mid ah Baarlamaanka cusub ayaa dad badan waxay doorashadiisa ku sifeeyeen mid aan waxba ka duwaneyn doorasho maalintii isniinta ka dhacday Baydhaba oo uu kusoo baxay C/raxmaan Ibbi taas oo aan la saadaalin Karin ilaa xilligan noocay u dhacday.

Xildhibaanada deegaanada K/galbeed ee Beesha Biimaal oo la filayey in isbedel uu ku imaan doono ayaa adeegsaday Musus maasuq iyo wax isdaba marin, waxaana taas ay keentay in musharxiin badan ay ka tanaasulaan musharaxnimadooda halka kuwo kale oo weli taagan loo lulayo caleema qalalan.

Seddaxda maalmood ee soo aadan magaalada Baydhaba waxa Beesha Biimaal ay ka sugi doontaa seddax kursi oo muran badan uu ka taaganyahay cidda kusoo bixi laheyd hase ahaatee xisbiga sharta ah ee Ibraahin iyo Awyare ayaa dadaal geliyey sidii aan looga adkaan laheyn xubnaha ku jira xisbigooda.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open