Ciidamadii K/galbeed Ee Duulaanka Ku Qaaday Tiyeeglow Oo Dib Isaga Soo Laabtay

Maamlmo ka hor degmada Xudur ee Gobolka Bakool waxa ka dhaqaaqay Ciidamo ka tirsan Maamulka Koonfur galbeed iyo kuwo ka tirsan dowlada fedaraalka gaar ahaan qeybta Lexdamaad.

Ciidamadan oo la sheegay in ay hub ka heleen Maamulka Shariiif Xasan ayaa waxa loogu talagalay in ay qasadaan degmada Tiyeeglow oo 26-kii bishii hore ee Oktoobar ay isaga baxeen Ciidamada Itoobiya.

Todobaadkii hore weerar saf ballaaran ah ayaa waxa qaaday Ciidamada Soomaalida ah ee is garbiyey, waxaana saraakiisha Ciidamada wadatay ay sheegeen in qabsan doonaan Tiyeeglow iyagoo aan wax gurmad ah ka rabin Ciidamada Itoobiya.

Dagaallo xoogan oo socday muddo laba maalin ah ayaa Ciidamada weerarka ku qaaday Tiyeeglow waxay ku qasbanaadeen in ay kasoo baxaan difaacyo ay ka qabsadeen hareeraha goobaha ay weerareen.

Sarkaal lagu magacaabo Xasan Isaaq Cumar (Xasan Baydhaba) ayaa sheegay in awoodooda ay ku filnaaweysay in ay ka talaabsadaan maleeshiyada Kooxda Shabaab oo difaacyo ka qotay meelo ka baxsan Tiyeeglow.

Gudoomiyaha Degmada Tiyeeglow Maxamed Cabdalla Xasan (Foodcadde) ayaa dhankiisa sheegay in Ciidamada K/galbeed iyo kuwa qeybta lexdamaad ee dowlada fedaraalka ay dib ugu laabteen degmada Xudur.

Foodcadde ayaa intaa hadalkiisa ku daray in Shabaabka jooga Gobolka Bakool ay degmada soo geliyeeen Maleeshiyaad kor u dhaafaya ilaa laba kun oo ay ugu talagaleen in ay ku difaacdaan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open