Deg Deg Aamina Sheekh Cusmaan Oo Ku Guuleystay Mid Ka Mid Ah Kuraasta Beesha Biimaal Ee Aqalka Hoose (Sawiro)

Sidaan horey u sheegnay mid ka mid ah kuraasta xildhibaanada aqalka hoose ee Beesha Biimaal ayaa maanta lagu dooraneyey magaalada Baydhabo.

Kursigan ayaa waxa ku tartamyey musharaxiinta kala ah Aamina Sheekh Cusmaan, Mustaf Maxamed Iidow, Cali Maxamuud Gacal iyo Saynab Doobiya.

Tartanka doorashada ayaa waxa ku guuleystay Amin Sheekh Cumar, waxaana ay heshay codadkii ugu badnaan ee Ergada kursiga u codeeneysay iyadoo heshay 39 codad gaaraya, waxaana kusoo xigay Mustaf Maxamed Iidow oo helay sagaal cod halka Cali Maxamuud Gacal uu helay hal cod, iyadoo Saynab Doobiya ay wax cod ah helin.

15230566_1139187619509986_209877447729183843_n

aamin-sheekh-cumar-cismaan

Gudiga doorshada ayaa madasha ka sheegay in uu halaabay hal cod, saasna ay kusoo baxday Aamina Sheekh Cusmaan oo horey loogu saadaalinayey in ay heli doonto kursiga Cabdilaahi Abyan Nuur kusoo shaqeenayey afartii sano ee lasoo dhaafay.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open