Dhageyso Calaacalka Mooryaanta Xoogga Ku Haaysa Beeraha Sh/hoose Oo Warkii Hore War Ka Duwan Uu Kasoo Yeeray

Iyadoo dagaaladii u dhaxeeyey Beesha Biimaal iyo Mooryaanta Habar gidir uu isku bedelay mid waji cusub leh ayaa waxa weli socda baroorta iyo calaacalka Mooryaanta xoogga ku haaysata Gobolka Shabeelada hoose.

Mooryaanta xoogga ku haaysata Beeraha Shabeelada hoose oo markii hore ku dagaalamayey Gaadiidkii dowlada oo markii dhulka ay ku qabsan waayeen isbaheysi la galay Maleeshiyada duur ku jirta ee Shabaab ayaa hada bilaabay in calaacalkooda ay u weeciyaan eedeymo ay usoo jeednayaan Ciidamada Amisom iyo dowlada Xasan Sheekh.

Mooryaanta ayaa marka la beegsado xarumaha saldhigyada u ah Isbaheysiga Shabaab iyo Mooryaanta waxay ka qeyliyaan Idaacadaha afkuleeblayaasha ah ee horey ugu caan baxay inay ka qeyb qaataan dagaalada Shabeelada hoose.

Waxa markan soo baxaya in Ciidamada amisom lagu eedeeyo in ay garab siinayaan hogaanka Ciidamada deegaanka C/hi Waafow oo xilli ay ku eedeyn jireen inĀ  uu diidanyahay dowladanimada iyo Ciidamada Amisom.

Calaacalka iyo Baroorta Mooryaanta Habargidir ee haaysata Beeraha Shabeelada hoose ayaa u muuqda mid maalinba waji cusub loo yeelayo, iyadoo hada ay muuqato in Maleeshiyada Shabaab ee dhaqaaalaha badan ay ka siiyaan Beeraha ay u difaaci la’dahay deegaanada ay iska soo abuubulaan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open