Labada Kuraas Ee Ugu Muranka Badan Kuraasta Xildhibaanada Aqaka Hoose Ee Beesha Biimaal Oo Maalinta Berita Ah Lagu Kala Bixi Doono

Magaalada Baydhaba waxa ka socda wajigii labaad ee doorashada  xubnaha aqalka hoose ee Baarlamaanka, waxaana jirey tartamo adag halka kuraasta qaarkood loogu guuleystay si fudud.

Musuqmaasuqa iyo ku tagri falka awoodeed ee Odayasha dhaqanka iyo Madaxweyne Shariif Sakiin ayaa keenay in xubno badan oo loolanka doorashada ku jirey ay ku guul dareystaan inay wax guul ah ka gaaraan tartanka.

Beesha Biimaal oo Todobo xubnood ku leh Baarlamaanka fedaraalka ee aqalka hoose ayaa laba ka mid ah waxa laga soo doortay Magaalada Kismaayo ee xarunta ku meel gaarka u ah maamulka Axmed Madoobe ee Jubbaland.

Shanta xubnood ee kale ayaa doorashooyinkooda waxa lagu qabtay magaalada Baydhaba, waxaana soo baxay ilaa seddax musharax oo maanta ay ugu dambeysay Marwo Aaminsa Sheekh oo ka guuleystay Prof Cali Sheekh Maxamuud Gacal iyo Mustaf Axmed Iidow.

Waxa Beesha Biimaal hadda u haray laba kursi oo tan iyo markii doorashada ay bilaabatay murankooda uu ka socday magaalada Baydhaba, waxaana kuraastan ku fadhiday oo afartii sano ee lasoo dhaafay ku shaqeenayey C/laahi Sheekh Ismaaciil Iyo C/hi Cumar Abshirow Awyare.

Mudanayaashan ayaa dagaal adag oo xagga musharaxnimada ah la galay laba xubnood oo lagu kala magacaabo Hilaac C/qaadir Aadan iyo Maxamed Aamiin, kuwaas oo cabsi xoogan ku beeray xisbiga Ibraahin Cali Xaaji iyo Awyare.

Maalinta Berita ah ayaa laga yaabaa in ay dhacdo doorashada labadan kuris, waxaana aad u jirey muranno aan weli la xalin oo qaarkood ku saleysnaa qaabka loo qeybsaday Ergada, iyadoo labada xildhibaan lagu eedeeyey in ay soo qorteen Ergadii dooran laheyd.

Waxa suurtagal ah in kuraastan ay kusoo baxaan xubanah hada ku fadhiya oo aan waxba u arkin loolanka uga imaanaya musharaxiinta kale, iyadoo beri subax Ergooyinka laga dhoofin doono Muqdisho

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open