Loolankii Ugu Adkaa Kuraasta Beesha Biimaal Ee Aqalka Hoose Oo Maanta Dhex Mari Doona Musharaxiin Ay Ku Jirto Aamino Sheekh Cusmaan

Mid ka mid ah kuraasta Beesha Biimaal ee xildhibaanada aqalka hoose ayaa maanta lagu wadaa in lagu doorto magaalada Baydhaba ee xarunta Gobolka Baay.

Kursigan oo afartii sano ee lasoo dhaafay uu ku fadhiyey Xildhibaan Cabdilaahi Abyan Nuur yaa hada waxa ku loolamaya ilaa afar musharax oo ay ku jiraan xubno miisaan ku dhex leh siyaasada dalka.

Ergada dooraneysa Xildhibaanka Kursigan ku shaqeen doona ayaa saacadihii lasoo dhaafay gaaray magaalada Baydhaba, waxaana arintu ay u muuqataa mid ka duwan sidii hore loo filayey, iyadoo loolanka tartanka uu yahay mid aad u adag.

Musharxaiinta loolamaya ayaa kala ah Aamino Sheekh Cumar oo ah Agaasimaha Wasaarada Maaliyadda, Phrof. Cali Maxamuud Gacal, Aqoonyahaan Mustaf Maxamed Iidow iyo Saynab Doobiyo oo ah Gabar dhawaan ka timid qurbaha.

Tartanka oo hada loo diyaar garoobayo ayaa xooggiisa waxa laga dareemayaa howlka lagu qaban doono doorashada, waxaana si aad loo dareemayaa kala jiidashada Ergada wax soo dooran dooran doonta.

Tartanka ugu adag ayaa waxa la saadaalinayaa in uu dhex yaallo Aamino Sheekh Cumar oo ah shakhsiyad miisaan ku yeelatay siyaasada Xisbiga Ibraahin Cali Xaaji iyo Aqoonyahaan Mustaf Maxamed Iidow, dadka ku sugan Baydhaba ayaa saadaalinaya in labadan shakhsi midkood uu kusoo bixi doono kursiga walow ay suura gal tahay in uu isbedel dhicio.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open