Xildhibaankii Ugu Dambeeyey Ee Deegaanada Maamulka Jubbland Oo Maanta Lagu Dooranayo Kismaayo

Magaalada Kismaayo ee xarunta Maamulka Jubbaland ayaa maanta waxa lagu dooran doonaa kursigii ugu dambeeyey ee xildhibaanada Aqalka hoose ee laga soo doorto deegaanada Jubbaland.

Xildhibaanada lagu dooranayey Kismaayo oo tiradooda ay gaareyso ilaa 43-mudane ayaa waxa lasoo gabagabeeyey doorashada 42 ka mid, iyadoo lagu wado in kursiga 43-aad maanta la doorto.

Maamulka Jubbaland oo lagu tirinayo maamulada ugu muranka yar xaga doorashada xildhibaanada marka loo fiiriyo maamulada kale ee ay kasoo yeereyso cabshooyin xoog badan ayaa maamulkan wuxuu ku guuleystay in uu xaliyo tabashooyin kala duwan oo tirsanayeen musharaxiinta iyo beelaha qaar.

Dhawaan waxa tartanka doorashada laga reebay wasiirkii Batroolka xukuumada xilkeedu dhamaaday oo lagu eedeeyey in uu laaluush siin rabay gudiyada doorashooyinka, waxaana tallaabadaas lagu tilmaamay mid ay soo dhaweeyeen inta badan Soomaalida.

Maamulka Jubbaland ayaa noqonaya maamulkii ugu horeeyey ee soo dhameystira doorashada xubnaha aqalka hoose ee Baarlamaanka fedaraalka, waxaana magaalooyinka maamul Goboleedyada dalka ka socda doorshooyinka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open