Saaxiibada Soomaaliya Oo Amaan Kala Dul Dhacay Maamulka Jubbaland, Eedeynna Dusha U Saartay Maamulada Kale

War Qoraal ah oo si wadajir ah ay u soo saareen Qaramada Midoobay, Midowga Afrika,  Midowga Yurub, IGAD , iyo Mareykanka ayaa lagu amaanay Maamulka Jubbaland sida wanaaga leh ee uu usoo dhameystiray Doorashada Aqalka Hoose.

Dhanka kale saaxiibada Soomaaliya ayaa waxa ay sheegeen hadii Maamulada kale ee dalka ka jira sidan oo kale ay u soo dhameystiraan in Doorashada Soomaaliya ay noqoto mid sanadkan gudahiisa dalka ka qabsoomi karta.

Ugu dambeyntii War-saxaafadeedka ka soo baxay Beesha Caalamka ayaa loogu baaqay Maamulada Puntland, Galmudug, koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle in ay soo dhameystiraan Doorashada Aqalka Hoose, si loo guda galo Doorashada qeybaheeda kale.

Maamulka Jubbaland ayaa shalay soo gabagabeeyey doorashada xubnaha aqalka hoose, waxaana Magaalada Kismaayo lagu doortay 43 mudane oo ka mid noqon doona 275-Mudane ee Baarlamaanka aqalka hoose.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open