Deg Deg Qarax Ismaadaamin Ah Oo Goordhow Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Wararka ka imaanay magaalada Muqdisho ayaa kusoo waramaya in goor dhow weerar ismiidaamin ah uu ka dhacay Degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.

Qaraxa oo la sheegayo in loo adeegsaday gaari walxaha qarxa lagu soo xiray ayaa la ku qarxay Goob aad u mashquul badan oo lagu magacaabo Suuqa Beerta gaar ahaan Suuqa dhuxusha lagu iibiyo oo ku taalla Xaafada Laybeeriya degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir.

Sida dad goob joobgoogayaal ay xaqiijiyeen qaraxa waxa lala damacasanaa Gudoomiyaha Degmada Waaberi, hase ahaatee inta aanu qaraxa gaarin goobta kasii fogaaday.

Ma cada qasaaraha ka dhashay qarax ismaadaaminta, waxaana lasoo sheegayaa in goobta uu ka dhacay qaraxa in ay aheyd goob aad u mashquul badan.

Lasoco wixii warar ah ee kusoo kordha.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open