Madaxweynihii Hore Ee Dalka Cuba Fidel Castro Ayaa Geeriyooday Isagoo …

Hogaamiyihii kacaanka Cuba Fidel Castro ayaa geeriyooday isagoo da’diisa ay ahayd 90 sano jir. Madaxweyne Fidel Castro ayaa wadankiisa Cuba ka hirgaliyey mabaadi’da shuuciga.

Madaxweynaha xiligan dalka Cuba ka taliyo Raul Castro isla markaasina ah walalka Fidel Castro ayaa Telefishinka qaranka dalkaasi ka shaaciyey in walalkiisa Fidel Castro uu geeriyooday.

Fidel Castro ayaa Sannadihii ugu dambeeyey ku noola meel khaas, balse qori jiray talooyin, kana soo  muuqan jiray kulamada muhiinka ah ee dowladda.

Bishii December 17, 2014-kii  ayuu madaxweyne Brack Obama ku dhawaaqay in Maraykanku qorsheynayo inuu dib usoo celiyo xiriirkii diblomaasiyadeed ee uu la lahaa dalka Cuba, kana dabcin doono cunaqabataynta saran dalka Cuba.

Dadweynaha reer Cuba ayay murugo aad u weyn soo food saartay iyagoo Castro ku tilmaamay inuu ahaa caawiyaha miskiinka.

Baroor diiq iyo aas qaran ayaa loo samayn doona Fidel Castro oo aad looga taageersanaa muddo aad u dheer dalka Cuba.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open