Siyaasiyiin Ku Sugan Addisababa Iyo Dowlada Itoobiya Oo Ku Baraarugtay Galaangalka Dowlada Imaadka (Warbixin)

Dhaq dhaqaaqyo iyo kulamo siyaasadeed oo aad u xoogan ayaa ka socda magaalada Addis Ababa, iyadoo dowladda Itoobiya ay dooneyso inay dib boorka uga jafto saameynta ay ku leedahay siyaasada Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid, Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan, C/raxmaan C/shakuur Warsame oo saddexdooda ah Musharaxiin ayaa ku sugan magaalada Addis Ababa, halkaasoo labo maalin ka hor ay gaareen.

Shariif Xasan ayaa inta uusan tagin Addis Ababa soo maray Uganda, balse Cumar C/rashiid iyo C/raxmaan C/shakuur ayaa kaga horeeyay Addis Ababa.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas uu sii maray Addis Ababa, ayna is arkeen xubnahan Musharaxiinta ee Addis Ababa ku sugan.

Saddexdan Musharax ayaa ah hormuudka Isbaheysiga Musharaxiinta ee ay sameysay Imaaraadka Carabta, waxaana todobaadyo ka hor kulan gaar ahaa ku yeesheen magaalada Nairobi.

Kulamada ka socda Addis Ababa ayaa looga hadlayaa arrimaha doorashooyinka iyo Musharaxa ay wadato Imaaraadka Carabta.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta ay ku kala aragti duwan yihiin cida noqoneysa Madaxweynaha soo socda, taas ayaana keentay in Itoobiya ku baraarugto dhaq dhaqaaqa xoogga leh ee ay wadato Imaaraadka Carabta.

Imaaraadka Carabta ayaa si aan horay loo arag ugu lug yeeshay siyaasada Soomaaliya, si ay meesha uga saaraan Madaxweyne Xasan Sheekh iyagoo xushay Musharaxiin dhowr ah oo loolan la geli kara Xasan Sheekh, waxaana Musharaxiintaas ugu horeeya Cumar C/rashiid.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open