Dhageyso Faall Madaxdu Ma,ismooga Moogeysiinbay Ka Tahay Mise Way Moogyihiin Waxa Miyiga Ka Jira..?

Badi gobolada soomaaliya waxaa bishii octoobar bilowgeedii ka hir gashay  doorashada caqalada  sare iyo hoose.  sida puntaland,galmudug,koonfur galbeed,jubbaland iyo maamulka hirshabeele.

Maamulkasta waxaa uu nasiib u helay  qeebta deegaankiisa ka soo galeysa 275 xubnood ee baarlamanka soomaaliya.

Waxaa intaa dheer xubnaha  caqalka  sare oo maamulkiiba deegaankiisa lagu doortay 8 xubnood markii laga reebo puntaland oo tiraha ahaan kabadan caqalka sare maamuladalada kale calaa qofkiiba waxaa laga qaaday  10,000 oo doolar.

Halka caqalka hoosana qofkiiba uu shubay lacag dhan 5000 oo doolar. Qaar ka mid ah maamulada waxaa deegaanadooda  liiskooda lageeyay  laguna doortay 69 xubnood oo baarlamanka ah  sida magaalada baydhabo oo kale.

Kismaayo waxaa lagu doortay 43 xildhibaan,cadaado waxaa kuraastooda lageeyay 36 xubnood.

Jowhar  waxaa lagu dooranayaa 37 xubnood oo ka mid ah caqalka hoose  garowe waxaa iyana lagu tartamay kuraastii lageeyay.

Dhamaan doorashada waxaa ka soo xarooday qarash aan caadi ahayn muqdisho waxaa uu qorshaha yahay  in lagu doorto 46 xildhibaan oo ka soo jeeda deegaanada gobolada waqooyi iyo waliba caqalka sare oo ah in kabadan 10 xubnood

Isku geyn lacagaha ka soo xarooday doorashooyinka caqalada sare iyo kan hooseba magaalooyinka Garowe,Cadaado,jowhar,baydhabo,kismaayo iyo muqdisho waxaa lagu qiyaasay in ku dhow 30000 oo doolar oo aan ku jirin lacagaha lagu bixiyay fudadeynta iyo laaluushka ay bixinayaan xubana xildoonka ah.

Ujeedada qormadeyda ayaa waxay tahay iyadoo  intaas  qarash ah  soo xarooday ama lagu xisaabtamayo ayaa waxaa taagan xaalad adag oo dhanka  Miiga ah

Xoola dhaqatadii oo  la soo gudboonaatay abaaraha  ka taagan deegaanada ay ka mid yihiin Galgaduud,Mudug,Bari,Nugaal,Jubbada hoose,Gedo iyo deegaano farabadan oo ka mid ah gobolada waqooyi.

Meelaha ugu daran ee abaarta  waxaa ka mid ah gobolada xiga dhanka beri ee maamulka Soomaaliland wararku waxay sheegayaan  in shacabka  xoola dhaqatada ah  xoolahoodii  ay ka xaalufisay abaarta ba,an ee ka jirta  deegaanadaas ee Miiga ah.

Wax yaabaha Xanuunka badan ee abaaraha ka dhashay waxaa ka mid ah  Reer xoolaba kala ahaa 50 Neef oo Ari ah  oo ugu soo hartay Ri iyo lax intii kalena abaarta la tagtay dhulka Miiga ah ee gobolada waqooyi.

Deegaanadaas xoolo farabadan oo ubadan Ari iyo lo waa inta la isku yiraahdo nugeelka ayaa ku baaba,ay.

Hada ayaa waxaa la sheegayaa in geela oo ah xoolaha bini aadamka uu dhqo kan ugu adkeysiga badan uu bilaabay in uu geeriyoodo kuwa kelana ay ku haraan fadhiga tabar dari aawadeed.

Shacab farabadan ayaa waxa Ceertaysay abaarta.

Marhadii xoolaha xaalkooda halkaas marayo waxaa halis ah in shacabku ku xigsadaan.

Silamid ah  gobolada Bari  iyo Nugaal  ayaa waxaa ka taagan abaar xaaluf ka dhigtay duunayada  Dareen xoogleh ayaana ka taagan deegaanadaas.

Dhowaan madaxweynaha maamulka puntaland waxaa uu sheegay in dhankooda ay ku deeqayaan lacag dhan halmalyan oo doolar si abaarta wax loogu qabto.

Madax weynaha Maamulka soomaalialand ayaa dhankiis waxaa uu safar ku marayaa deegaanada musiibada abaareed ay ka taagan tahay waxaa intaas dheer lacago farabadan oo ganacsatada xarumaha ku leh  deegaanada mamaulka soomaalialand ay iska aruuriyeen oo loogeeyay shacabka ubaahan in lacaawiyo.

Abaarta ayaa waxay kaloo faro kulul ku haysaa deegaanada gobolada galgaduud iyo mudug dhacdadii ugu  xanuunka badnaa ayaa waxay ka dhacday gobolka galgaduud taasoo ah nin xoolahiisa oo dhan ay ka laysay abaarta ayaa waxaa uu markii danbe ku meer daboolmay dhulka miiga ah waxaana loo soo qaaday magaalo kamid ah gobolkaas latacaalid iyo baxnaanin ka dib waxaa mar qura laga war helay in uu is daldalay ninkii xoolahiisa ay baaba,een.

Xoola dhaqatada soomaaliyeed badi waxay ku jahwareersan yihiin  qaabkii  wax,un ugala samatabixin lahaayeen xoolahooda abaarta.

Madaxda soomaaliya hadii ay ahaan lahaayeen ku wa maamul goboleedyada  iyo kuwa dowlada dhexe waxay ku howlan yihiin kala gurashada  qarashkii ka soo xarooday doorashada soomaaliya ee malaayiinta doolar ah.

mar waxaa qayla dhaan warbaahinta umariyay xaalada abaareed madaxweynaha xilkiisa idlaaday Xasan Sheikh Maxamuud taasoo ku aadan in hay,adaha deeqbixiyaasha iyo jaaliyadaha soomaaliyeedba gurmad usameeyaan shacabka tabaaleysan ee abaarta ladaaladhacaya.

taasoo ka habooneed in uu ka hormariyo  ka dowlada ahaan  wax qabadkooda ama kaalintooda dowladnimo nasiib daro taasi madhicin.

maadaama dalka  oo dhan uu mas,uul kayahay qarash la,isdhihi karo wax badan ayuu ka tarayaa abaarahana uu ka soo xarooday doorashooyinka.

markii laga hadlayo abaar iyo macluul waa xaalad adag waxay lamid tahay adigoo afar iyo labaatan saac gudahooda dhuuntaada marin baad iyo biyo  cidii kaa mas,uul ahaydna ku dayacday waa nasiib daro inteeda la,eg.

Soo mamuuqato in maatada maalkooda  abaarta  baabi,isay madaxdooda ay ku jiraan ismooga moogeysiin xaalada ay marayaan shacabkooda Miiga ku nool.

Waxaan leenahay Allahayow adigaa aweed leh.

Waxaa faaladaan diyaariyay

Weriye Faarax ibraahim yacquub

Email Gumeysidiid5@gmail.com

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open