Dhageyso Hilaac C.qaadir “Weli Waxaan Sugayaa Doorasho Si Cadaalad Ah U Dhacda”

Waxaa isa soo taraya Cabashooyinka kasoo baxaya qaar kamid ah Musharixiinta u tartamaysa Aqalka Hoose ee Koonfur Galbeed kuwaasoo tirsanaya in caddaalad darro loo geystay.

Hilaac Axmed Aadan oo ka mid aheyd Musharixiinta u taagnaa u tartamida mid ka mid ah Kuraasta Aqalka Hoose ee Beesha  Biimaal ayaa sheegtay in weli ay u taagantahay doorasho iaydoo wixii dhawaan dhacay ku tilmaamay ku tagri fal iyo cadaalad daro.

Hilaac ayaa ku eedeeyey Gudiga Doorashooyinka iney gacan ka geysanayaan in la bedelo Ergadii hore ee soo gudbistay Musharax ay tartameysay taasna ay ku qasabtay in tartanka ay gelin, waxayna shaaca ka qaaday in weli ay sugeyso doorasho xalaal ah oo ay la gasho musharaxiinta.

Lama oga sida gudiyada doorashooyinka ay uga jawaabi doonaan cabashooyinkan is daba jooga ah ee kasoo baxay qaar ka mid ah mushraxiinta.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open