Maamulka Nambar 50 Oo Beeniyey In Dagaallo Ay Ka Dhaceen Xerada Laanta Buuro Ee Gobolka Shabeelada Hoose

Warar saacadihii lasoo dhaafay ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta Maxalliga ah ee Muqdisho ayaa sheegayey in dagaal culus uu ka dhacay Xerada Laanta-buuro ee Gobolka Shabeelada hoose.

Maamulka Degmada Nambar 50, ayaa waxay beeniyeen in dagaal uu ka dhacay Laanta-buuro oo ay sheegegeen in ay jirin Ciidan ka tirsan dowlada oo halkaas fariisin ku leh.

Waxa maamulka uu sidoo kale sheegay in Maleeshiyada Shabaab shalay lagu arkay inta u dhaxeysa Deegaanka Cadow-dibelle iyo Laanta-buuro hase haatee Ciidamo ka tirsan dowlada oo la dagaalmay aanu jirin, waxaana wararka qaar ee ay baahiyeen idaacadaha muqdisho ku tilmaamay warar buun buunin ah oo aan xaqiiq aheyn.

Dhinaca kale Maamulka ayaa qiray in shalay meel ku dhow halka lagu magacaabo Waaya-arag oo aad ugu dhow Cadow-dibille lagu dhaawacay nin Ganacsade ah oo qaad/jaad geeya Degmada Nambar iyo nawaaxigeeda.

Ninka la dhaawacay ayaa waxa magacaiisa lagu sheegay Cabdilaahi Eelaay oo in muda ah ku dhaqnaa deegaanka Muuri, waxaana ninkaasi la sheegay in uu ka ganacsan jirey Jaad uu ka qaadi jirey Muqdisho.

Ugu dambeyntii qaar ka mid ah warbaahinta Muqdisho gaar ahaan kuwa u adeega Mooryaanta Habargidir ayaa sii daaya warar been abuur ah oo ay ku sheegayaan in dagaal iyo weeraro ay ka dhacaan deegaanada ku xeeran Nambar 50, wararkaas oo intooda badan lagu buun buuniyo dagaal aan jirin oo shabaabka iyo isbaheysiga Mooryaanta ay ku qaadaan Shacabka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open