Warar Dheeraad Ah Oo Kasoo Baxaya Gaari Dagaal Oo Dhawaan Isku Dhiibay Dagaalyahaanada Kooxda Shabaab

Warar dheeraad ah ayaa waxay kasoo baxayaan Gaari nooca dagaal oo Maalinnimadii Jimcaha ee aan soo dhaafnay isku dhiibay maleeshiyada kooxda Shabaab.

Gaariga oo la sheegay in uu ka baxay Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelada hoose ayaa iska dhiibay Degmada Sablaale oo isla Gobolka ka tirsan, waxaana soo baxaya warar kala duwan oo la xiriira qaabka uu u baxsaday Gaariga Dagaal.

Warar xog ogaal ah oo heshay Shabakada Markacadey.com ayaa ku waramaya in Gaariga uu isticmaali jirey sarkaal ka tirsan Maleeshiyada dowlada oo Baraawe joogaay, kaas oo sida wararka ay sheegayaan hada ku sugan Muqdisho.

Gaariga Cabdibilaha ah ayaa waxa iska lahaa sida warbixinta sheegeyso Nin Ganacsade ah oo kasoo jeeda Agoonyare/Abgaal, waxaana ciidanka iyo Gaari ka mas’uul ahaa sarkaalka dowlada ka tirsan.

Ilaa far maleeshiyo ayaa la xaqiijiyey in ay saarnaayeen markii gaariga uu baxsanaayey, waxaana ku xirnaa sida warka aan ku helnay qori dhashiika ah, iyo qori kale oo Sawan, iyadoo wararka qaar ay timaamayaan in qori PKM ah ay wateen maleeshiyada baxsaday.

Weli wax war ah kama soo bixin Maamulka Gobolka Shabeelada hoose ee ku aadan Gaariga dagaal ee u baxsaday deegaanada ay maamulaan Maleeshiyada Shabaab.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open