Wasiir Maxamed Xasan Fiqi Oo Ku Xanuunsanaya Magaalada Nayroobe Ee Dalka Kenya (Warbixin)

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Maamulka Koonfur galbeed Maxamed Xasan Fiqi ayaa lagu soo waramayaa in uu ku xanuunsanayo magaalada Nayroobi ee Caasimada dalka Kenya.

War ay heleyso Shabakada Markacadey.com ayaa sheegaya in Maxamed Xasan oo ku sugnaa magaalada Nayroobi ay lasoo dersaeen xanuuno kala duwan oo qaarkood la sheegayo inay noloshiis halis ku yihiin.

Safar laba Todobaad ka hor uu ku tagay magaalada Nayroobi si uu ugu soo nasto, waxaana Wasiirka oo buuq iyo maskax xanuun ka qaaday doorashada ka socota magaalada Baydhabo ayaa halkaas waxa kusoo ritey cuduro ay ka mid yihiin Sonkorta iyo kuwo ku dhaca maskaxda oo laga qaado daalka iyo mashquulka.

Xiriiro aan la sameynay Wasiir Maxamed Fiqi ayaan noo suur gelin, waxaana lasoo sheegayaa in uu ka baaqsaday safaro dhowr ah oo uu ku doonayey in uu dalka dib ugu soo laabto, waxaana weli aan suura gal aheyn inuu safar soo galo.

Qaar ka mid ah Musharaxiintii u tartameysay doorashooyinka aqalka hoose ee baraalamaanka Fedaraalka ayaa wasiirku waxay ku eedeeyeen in safarkiisa uu ahaa mid dhuumasho uu kaga soo tagay Baydhabo, xubnahaas oo sheegay in ay ku balansanaayeen in  uu ku gacan siiyo sidii ay ugu soo bixi lahaayeen doorashada.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Maamulka K/galbeed iyo Wasaaradiisa oo ku saabsan xanuunada la sheegay inay lasoo derseen Wasiirka Beeraha iyo Waraabka ee Mamaulka Koonfur galbeed.

Wasiir Fiqi ayaa ka mid ah Wasiiro faro ku tiris ah oo ka tirsan K/galbeed oo qabto shaqooyin aan iyaga dhaafsiisneyn, waxaana shaqsiyaadkaas lagu tiriyaa inay si aad ah ugu dhowyihiin Madaxweynaha laba sano jirsaday ee howlihiisu fadhiidku yihiin Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open