Iska Horimaad Kooban Oo Maanta Ka Dhacay Galbeedka Magaalada Gaalkacyo

Iska horimaad kooban oo u dhaxeeya Ciidamo kala taabacsan Maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa wax uu ka dhacay galbeedka magaalada Gaalkacyo.

Sida wararku sheegayaan iska horimaadkan ayaa ka dambeeyey ka dib markii Ciidamada Maamulka C.kariin Xuseen Guuleed ay kusoo durgeen aaggagii dagaalka ee horey looga kala qaaday Ciidamada ku dagaalamay.

Dagaalka ayaa la shegayaa in uu qaatay ku dhawaad 40,daqiiqo, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray djhinacyada hubka isku qaatay, waxaana sidoo kale jira khasaare dad shacab ah kasoo gaaray xabadaha leys dhaafsaday.

Guddiga Xabad joojinta ee dhawaan ay dhisteen labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug ayaa waxay xaqiijiyeen iska horimaadkan hubeysan, waxayna sheegeen in ay dadaal ugu jiraaan sidii ay xal uga gaari lahaayeen.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open