Madaxweynaha Xilkiisu Dhamaaday Ee Xasan Sheekh Oo Amaro Culus La Duldhigay (Xog)

Warar si hoose ay u heleyso Shabakada Markacadey.com ayaa ku waramaya in shalay gelinkii dambe kulamo gaar ah ay yeesheen Madaxweynaha dowlada Fedaraalka iyo Safiirada Beesha Caalamka ee Soomaaliya.

Shirka oo la sheegay in uu soo qaban qaabiyey Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobe u qaabishan arimaha Soomaali Nichlos Kay ayaa Xasan lagu amray in uu soo dedejiyo qabsoomidda doorashooyinka Madaxtanimo ee dalka.

Safiirada qaar ayaa Madaxweynaha ku amray in ugu dambeyn 15-ka bisha soo aadan ee Disembar in ay dhacdo doorashada Madaxweynaha dalka.

Waxaana amarakan sidoo kale loo raaciyey Madaxweyne Xasan Sheekh in safiirada iyo wakiilada Beesha Caalamka ee jooga Soomaaliya ay aadi doonaan Ciidaha Gaalada ay u dabaal degto dhamaadka Bisha Disembar, loogana baahanyahay in maalmaha Ciidaha ka hor ay dhacdo doorashada.

Waxa la shegayaa in ay jiraan hadlo kul kulul oo wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya jooga ay ku yiraahdeen Xasan Sheekh oo loo arko caqabadda koobaad ee hortaagan qabsoomidda doorashada dalka.

Macada go’aanka Xasan Sheekh uu ka qaadan doono hadalada kulul iyo hanjabaadaha loosoo jeediey, hase waxa laga yaabaa in Beesha caalamka ay la yimaadaan door kale oo aanan aheyn mid laga tashanyo Madaxda xilkoodu dhamaaday ee weli isku sii dhejinaya kuraasta dalka laga maamulo.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE