Ciidamada Maamulka Puntland Oo Kaabiga Ku Haaya Inay Dib U Qabsadaan Magaalada Gandalla

Ciidamada Maamul Goboleedka Puntland ayaa waxay qarka u saaranyihiin Degmada Qandalla oo ay joogaan Ciidamo hubeysan oo ka tirsan kuwa Daacish.

Waxa lagu soo waramayaa in Ciidamada Badda iyo kuwa dhulka ee Daraawiishta Puntland ay ku dhaqaaqeen Qandalla oo bilooyinkii lasoo dhaafay ay maamulayeen xoogag taabacsan wadaadka lagu magacaabo C/qaadir Muumin.

Gulufka lagu qabanayo Qandalla oo lagu soo waramayo in uu saake aroor hore laga war helay ayaa wuxuu ku bilowday hub culus oo dhinaca badda ay kasoo ridayaan Ciidamada Badda ee Puntland.

Kooxaha xag-jirka ah ayaa difaacyo adag ka sameystay dhulka xeebta ah ee weerarka uu ku socdo, dad ku sugan deegaano Qandalla u dhow ayaa warbaahinta u sheegay in ay maqlayaan hub culus oo dhinaca Badaa ah.

Saraakiisha Daraawiishat Ciidamada Puntland ayaa ku goodiyey in ay soo afjarayaan xoogagga taabcsan wadaadka lagu magacaabo C/qaadir Muumin.

Magaalada Qandalla ayaa labadii bil ee lasoo dhaafay waxa maamulayey Daacish oo ku xoogan buuraha Galgalada ee Gobolka Bari.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open