Gudoomiye Ibraahim Najax Oo Dhalinyaro Kasoo Afduubtay Degmada Qoryoole Ee Gobolka Shabeelada Hoose

Gudoomiyaha Gobolka Shabeelada hoose Ibraahim Aadan Cali (Najax) oo dhawaan safaro ku tagay qeybo ka mid ah Gobolka Shabeelada hoose ayaa lagu waramayaa in uu soo afduubtay dhalinyaro deegaanka kasoo jeeda.

Dhalinyradan oo gaareysa ilaa 7 dhalinyaro oo lex ka mid ah ay yihiin Wiilal halka ay ku jirto hal gabar ayaa lagu soo waramayaa in Gudoomiye Najax uu kasoo qab qabtay degmada Qoryoolae ee Gobolka Shabeelada hoose.

Gudoomiye Najax ayaa dhalinyaradan ku eedeeyey in ay ka tirsanaayeen maleeshiyada Alshabaab, waxaana la sheegay in lagu soo qab qabtay howlgal laga sameeyey xaafadaha Qoryoole.

Ehealadda dadkani ayaa Markacadey.com u sheegay in ciyaalkooda iminka lagu haayo xarunta Dembi baarista ee CID, halkaas oo la sheegay in lagu baarayo, iyadoo horey loogu xirey xabsi ku yaalla deegaanka Danow oo ay degenyihiin Ciidamada Amisom.

Dhalinyaradan ayaa la sheegay in lagu qabtay qaab shirqool ah, waxaana ay ka tirsanaayeen Ciidamo deegaanka iska abaabulay oo uu hogaamiyo Sheekh Saalax Xaaji Ibraahim, waxaana lagu soo qabtay howlgal uu hogaaminayey nin magaciisa lagu koobay Dhaayow oo sheegta Taliyaha Nabadsugidda Qoryoole.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open