Maleeshiyada Alshabaab Oo War Cusub Kasoo Saaray Barakcinta Ay Ku Hayaan Shacabka Gobolka Shabeelada Hoose (Warbixin)

Maleeshiyada Alshabaab oo isbaheysi kula jira Mooryaanta Habargidir ayaa war cusub waxay kasoo saareen dagaallada iyo barakicinta ay ku hayaan Shacabka Gobolka Shabeelada hoose.

Shir saacadihii lasoo dhaafay ay ku qabteen degmada Janaale ayaa waxay isugu yeereen qaar ka mid ah Odayaasha Beesha Biimaal ee degen deegaanada ay xoogga ku maamulaan, waxaana ay dul dhigeen amaro kala duwan.

Amarada la dul dhigay Odayaasha ay shirka ay u qabteen ayey u sheegeen in ay qasab tahay qaadashada awaamiirta la siiyo, waxaana ay ugu hanjabeen hadii la qaadan waayo warkooda ay qaadi doonaan tallaabooyin isugu jira dilal iyo dhac loo geysto xoolaha dadka Shacabka ah.

Dad ka qeyb qaatay kulamada qasabka ah ayaa Markacadey.com si hoose ugu sheegay in shabaabku ay xukunno RIDDA ah ku xukumeen Shacabka Beesha Biimaal ee degen deegaanada ay saldhigyada ku leeyihiihin Ciidamada Amisom iyo kuwa deegaanka.

Inta u dhaxeysa Deegaanka Fil-lawe oo dhinaca Bari kaga beegaan Danada ilaa deegaanka Nambar 60, ayaa shacabkii ku dhaqnaa amar loo siiyey in ay ku laaban karaan guryahii ay kasoo barakaceen, laakiin aan la tagi karin deegaanada kala ah ah Buufow bacaad, Ceeljaalle, Marko, Buushka, Nambar 50 iyo Muuri halkaas oo ay sheegeen in ay ku noolyihiin dad garab siinaya cadowgooda.

Dhinaca kale shacabka ayaa loo sheegay in guryahooda iyo deegaanadooda ay ka mamnuucaan Ciidamada hubeysan ee u dhashay Beesha Biimaal, mana jirto dadaal Maleeshiyada Shabaabku ay ka geysanayaan guryaha iyo Ceelasha ay ka gubeen Shacabka ay barakiciyeen.

Maleeshiyada Alshabaab ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay dagaallo ku bilabay Shacabka Beesha Biimaaal iyo dhalinyarada hubka u qaatay in ay iska difaacaan Mooryaanta Gobolada dhexe kasoo duushay, waxaana dagaalada socda ay xiriiro dhow la leeyihiin dagaaladii horey u dhex mari jirey dadka deegaanka iyo Mooryaanta.

Mooryaanta xoogga ku haaysata Beeraha Gobolka Shabeelada hoose ku yaalla ayaa heshiis la gashay Maleeshiyada Alshabaab, waxaana heshiiskaas uu dhigayaa in Shabaabku dagaallo toos ah ay la galaan Shacabka Beesha Biimaal iyagoo sanadkii qaadanaya Malaayiin doolar oo laga soo xareeyo Miraha kasoo baxa Beeraha xoogga lagu haaysto.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open