Wararkii Ugu Dambeeyey Weerar Ka Dhacay Saldhig Alshabaab Ay Ku leeyihiin Deegaanka Tooratoorow

Deegaanka Tooratoorow oo ay maamulaan Maleeshiyada Alshabaab ayaa waxa ka dhacay dagaal culus oo lagu qaady saldhigyo ay maamulaan Shabaabka.

Weerar isugu jira mid Cirka ah iyo toos ah ayaa lagu qaaday saldhigyo la tuhunsanyahay in ay Shabaabku ku leeyihiin deegaanka Tooratoorow ee Gobolka Shabeelada, halkaas oo lasoo sheegayo in khasaarooyin kala duwan ay ka dhasheen.

Faafaahinnnada laga helaayo weerarka ayaa sheegaya in Ciidamada sida gaarka ah u tawabaran ee Soomaaliya ee Saldhiga ku leh Garoonka Belled-doogle ay cirka iyo dhulka ka weerareen xarumaha Shabaabka ay leeyihiin.

Warar si hoose ay usoo saareen saraakiisha hogaamineysay Ciidamada howlgalka qaaday ayaa sheegay in howlgalka sidii loogu talagalay uu u dhacay islamarkaana ay dib ugu laabteen saldhigyadii ay markii hore duullaanka ka qaadeen.

Macadda khasaaraha goobtaas ka dhashay hase haatee aroornimadii saake ayaa waxa Hawada laga saaray Shirkadaha isgaarsiinta ee deegaanka ka howlgala, waxaana arintaas lagu micneeyey in uu jiro khasaare ay Maleeshiyada Shabaab qarinayaan in xogtiisa la helo.

Deegaano uu ku jiro Tooratoorow iyo kuwo ku yaalla dhulka fog ee howdka ah ayaa waxa ka dhaca weeraro dhinaca Cirka iyo kuwo si toos ah oo lagu qaado saldhigyada ay halkaasi ku leeyihiin Maleeshiyada xag jiriinta ee Shabaab, waxaan weeraradaas ay geystaan khasaarooyin kala duwan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open