Doorashada Xubnaha Aqalka Hoose Ee Beelaha Banaadiga Ayaa Maanta Ka Bilaabtay Magaalada Muqdisho

Doorashada xubnaha aqalka hoose ee Beelaha Banaadiriga ayaa waxa lagu wadaa in maanta ay ka bilaabato magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka.

Xubnaha maanta lagu dooranayo Muqdisho ayaa gaaraya ilaa seddax xubnood, waxaadna jiri doona xubno kale oo lagu dooran doono.

Waxa manta si weyn loo adkeeyey xarunta Gaadiidka Booliiska eek u taala degmada C/casiis ee Gobolka Banaadir halkaas oo lagu qabanayo doorashada xildhibaanada aqalka hoose ee Baarlamaanka u matali doona Beelaha Banaadirga.

Dhinaca kale maalmaha soo aadan ayaa waxa lagu wadaa in Muqdisho ay ka qabsoomaan doorashooyinka aqalka hoose iyo kuwa aqalka sare ee Beelaha kazoo jeeda Gobolada Waqooyiga.

Magaalooyinka maamul Goboleeyada dalka ayaa waxa weli ka socda doorashada xildhibaanada Baarlamaaka aqalka hoose, iyadoo magaalada Kismaayo lagu soo gabagabeeyey dhamaan doorashooyinka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open